Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Taariikhda Layaabka Leh Ee Real Madrid Looga Diiwaangelinayo Sucuudiga & Spain Haddii Ay Ku Guuleystaan  Spanish Super Cup

by Abdiwahab Ahmed
January 14, 2023
0
Taariikhda Layaabka Leh Ee Real Madrid Looga Diiwaangelinayo Sucuudiga & Spain Haddii Ay Ku Guuleystaan  Spanish Super Cup

Real Madrid ayaa taariikh layaableh ka dhigi doonta waddanka Spain iyo Sucuudiga haddii ay Axadda ku guuleysato koobka Spanish Super Cup oo ay finalka iskugu soo baxeen Barcelona, kaddib markii ay kasoo kala adkaadeen Valencia iyo Real Betis.

ADVERTISEMENT

Real Madrid oo la aas-aasay sannadkii 1902, ayaa waxa taariikhdeeda ku xusan inay ku guuleystay 99 koob, waxaana haddii ay Axadda ku guuleystaan Spanish Super Cup u buuxsami doona tirada 100 koob oo ay hanteen, taas Barcelona ay dhimasho ka xigto in iyaga oo arkaya ay Madrid ka qaaddo koob u buuxiya tiradan.

Koobabka ay ku guuleysatay Real Madrid ayaa  iskugu jiray kuwo caalamiga ah, kuwo qaaradeed iyo xataa kuwo gudaha dalka Spain ah, balse waxa jira koobab kale oo heer gobol ah oo aan u xisaabsanayn iyada oo la isku maandhaafsan yahay saddex koob oo ay kooxdu qaadday.

Real Madrid oo ah kooxda ugu guulaha badan waddanka Spain ayaa waxay ku guuleysatay 35 koob oo horyaalka LaLiga ah, 14 Champions League/European Sup, 19 Copda del Rey, 12 Spanish Super Cup, toddoba Koobka Naadiyada dunida ah (FIFA Club World Cup), shan European Super Cup, laba UEFA Cups (waa tartanka hadda loo yaqaano Europa League) iyo hal Cup of League.

ADVERTISEMENT

Doodaha iyo su’aalaha taagan

Tartamadan sare ku xusan ee ay koobabkooda ku guuleysatay wax dood ahi kama taagna, laakiin waxa jira waxyaabo kale oo ay su’aalo ka taagan yihiin marka ay noqoto tirintooda iyo heerka muhiimaddooda. Haddii aanu muran badan jirin, Real Madrid waxa koobabkeeda rasmiga ah loogu darayaa laba Latin Cup iyo laba Small World Cup oo ay iyagana ku guuleysatay, kuwaas oo usii kordhin karaya tirada 99ka koob ee ay haysato.

Sidoo Kale Akhri

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023
Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023

Laakiin dood ayaa ka taagan koobabkan, sababtoo ah Copa Latina oo la ciyaari jiray intii u dhaxaysay 1948kii illaa 1957kii oo ay Real Madrid laba jeer ku guulesatay iyada  oo ka qaadday Benfica sannadihii 1955 iyo 1957, ayay UEFA ka saartay liiska diiwaankeeda.

Tartankan waxa qaban-qaabin jiray xidhiidhada afarta waddan ee Spain, Italy, France iyo Portugal, waxaana si rasmi ah u aqoonsanayd FIFA, laakiin UEFA ayaa diidday, waxaana beddelkiisa la sameeyey European Cup sannadkii 1955kii, sidaas ayaana meesha lagaga saaray Copa Latina.

Labada Koob Adduun ee yaryar (Little World Cups) ee ay Real Mdrid  ku guuleysatay ayaa isagana aan diiwaanka lagu darin. Xidhiidhka kubadda cagta Venezuela ayaa qaban-qaabiyey tartankan, laakiin waxa iska diiday FIFA iyo UEFA inay aqoonsadaan. Waxa la ciyaaray intii u dhaxaysay 1952kii illaa 1957kii, markii dambena waa halka laga helaya in la sameeyo tartanak Intercontinental Cup oo 1960kii la sameeyey.

ADVERTISEMENT
Share316Tweet198
ADVERTISEMENT

Related Posts

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.