Lionel Messi ayaa maanta ku biiri doona liiska ciyaartooyo dhif iyo naadir ah oo soo maray dunida, kaas oo ay ku jiraan siddeed ciyaartoy oo kaliya, waase haddii uu xulkiisa Argentinaa ku guuleysto Koobka Adduunka.
Saacado kaddib ayay bilaabmi doontaa ciyaarta Finalka Koobka Adduunka ee Argentina iyo France, waxaanay noqon doontaa ciyaartii ugu dambaysay ee Koobka Adduunka ee uu Lionel Messi u safto xulka dalkiisa Argentina.
35 jirkan ayaa wacdaro ka dhigaya Koobka Adduunka ee sannadkan, isla markaana ciyaartii Croatia dhaliyey rikoodhe ka hor intii aanu difaacyahannada burburin ee aanu caawin gool uu dhaliyey Julian Alvarez, ayaa waxa uu sidoo kale jabiyey rikoodhkii Gabriel Batistua isaga oo saxeexay goolkiisii 11aad ee Koobka Adduunka.
Lionel Messi ayaa sidoo kale caawa jabin doona rikoodhka ciyaartoygii ugu safashada badnaa Koobka Adduunka oo ahaa halyeygii reer Germany ee Lothar Matthaus oo 25 kulan u saftay, isla markaana uu Messi barbarreeyey ciyaartii Croatia ee semi-finalka Koobka Adduunka, waxaana caawa uu safan doonaa ciyaartiisii 26aad, taas oo ka dhigaysa ciyaartoyga ugu safashada badan taariikhda.
Dhinaca kale, Lionel Messi ayaa caawa ku biiri doona liis dhif iyo naadir ah oo ay uga horreeyeen siddeed ciyaartoy oo kaliya, kuwaas oo uu ku noqon doono xiddigii sagaalaad. Siddeedaadaas ciyaartoy ayaa ah kuwa kaliya ee taariikhda kubadda cagta ku wada guuleysta Koobka Adduunka, Ballon d’Or iyo Champions League, waase haddii uu dalkiisu ka adkaado Faransiiska.
Halkan kaaga bogo siddeedda ciyaartoy ee isku darsaday Koobka Adduunka, Champions League iyo Ballon d’Or:
1. BOBBY CHARLTON – World Cup 1966 (England); European Cup 1968 (Manchester United); Ballon d’Or 1966
2. FRANZ BECKENBAUER – World Cup 1974 (West Germany); European Cup 1974, 1975, 1976 (Bayern Munich); Ballon d’Or 1972, 1976
3. GERD MULLER – World Cup 1974 (West Germany); European Cup 1974, 1975, 1976 (Bayern Munich); Ballon d’Or 1970
4. PAOLO ROSSI – World Cup 1982 (Italy); European Cup 1985 (Juventus); Ballon d’Or 1982
5. ZINEDINE ZIDANE – World Cup 1998 (France); Champions League 2002 (Real Madrid); Ballon d’Or 1998
6. RIVALDO – World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2003 (AC Milan); Ballon d’Or 1999
7. RONALDINHO – World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2006 (Barcelona); Ballon d’Or 2005
8. KAKA – World Cup 2002 (Brazil); Champions League 2007 (AC Milan); Ballon d’Or 2007
9. LIONEL MESSI? – Champions League 2006, 2009, 2011, 2015 (Barcelona); Ballon d’Or 2009, 2010, 2011, 2012, 2015, 2019, 2021