Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

TAARIIKH: Gabadhii Ugu Horreysay Oo Garsoore Ka Noqonaysa Oo La Shaaciyey Kulanka Ay Qabanayso

by Abdiwahab Ahmed
November 30, 2022
0
TAARIIKH: Gabadhii Ugu Horreysay Oo Garsoore Ka Noqonaysa Oo La Shaaciyey Kulanka Ay Qabanayso

Taariikh cusub ayaa laga qori doonaa Koobka Adduunka marka ay Stéphanie Frappart soo qaadato firinbiga ama siidhiga ciyaarta adag ee xulalka Costa Rica iyo Geramny, taas oo xidhiidhka kubadda cagta FIFA uu u doortay inay garsoore ka noqoto.

ADVERTISEMENT

Stéphanie Frappart oo u dhalatay Faransiiska ayaa ka mid ah saddex dumar ah oo ay FIFA ugu yeedhay Koobka Adduunka ee sannadkan.

Ciyaarta adag ee Costa Rica iyo Germany oo labadoodba midkooda badiyaa uu fursad u heli doono inuu usoo gudbo wareegga 16ka, ayaa waxa Stéphanie Frappart ay ka noqon doontaa garsoorihii ugu horreeyey ee gabadh ah ee qabata ciyaar ka tirsan Koobka Adduunka.

Stéphanie Frappart oo ka mid ahayd garsooreyaasha u diiwaangashan FIFA tan iyo sannadkii 2009, ayaa waxay shaqada garsoorka kusoo jirtay illaa markii ay da’deedu ahayd 13 jir, waxaanay leedahay khibrad badan oo sababtay inay ka mid noqoto garsooreyaasha horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1 iyo sidoo kale heerka labaad ee Ligue 2 oo ay isagana kulamo badan ka  qabatay.

ADVERTISEMENT

Sannadkii 2019, ayay Stéphanie Frappart noqotay gabadhii ugu horreysay ee dhaxdhaxaadisa ciyaar ka  tirsan horyaalka Faransiiska, saddex sannadood  kaddibna waxay nasiib u yeelatay inay Koobka Adduunka ka samayso taariikh cusub oo ay noqoto gabadhii ugu horreysay ee garsoore ka noqota.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Hore waxay usoo qabatay kulamo waaweyn, sida Champions League iyo tartamada maxalliga ah ee horyaalka Faransiiska.

Stéphanie Frappart ayaa waxa sannadihii 2019, 2020 iyo 20222 ay noqotay garsooraha ugu wanaagsan adduunyada ee dumar ah.

ADVERTISEMENT
Share274Tweet171
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.