Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Taageerayaasha Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Real Madrid Ee Sababta U Ahaa Guuldaradii Belgium Ka Soo Gaartay Morocco

by Saed Mohamed
November 27, 2022
0
Taageerayaasha Oo Farta Ku Fiiqay Xiddiga Real Madrid Ee Sababta U Ahaa Guuldaradii Belgium Ka Soo Gaartay Morocco

Taageerayaasha kubada cagta ayaa isku raacay in goolhaye Thibaut Courtois inuu mas’uul ka ahaa guuldaradii weyneyd ee xulka Shayaadiinta Cas Cas ka soo gaartay Morocco oo 2-0 ku badisay.

ADVERTISEMENT

Belgium ayaa Koobka Adduunka ku bilaabatay guul ciriir ah iyagoo 1-0 uga badiyay Canada Arbacadii hore.

Waxayna u muuqdeen kuwa kala daadsan kulankii maanta ee Morocco, iyagoo dharbaaxo xun kala kulmay xulka Waqooyiga Afrika.

Hakim Ziyech ayaa moodayay inuu Morocco hogaanka u dhiibay markii uu laad xor ah dabamariyay goolhaye Courtois laakiin goolkaas waa la diiday.

Si kastaba, Morocco ayaa ugu danbeyn hogaanka qabatay markii uu qeybtii labaad laad xor ah u dhaliyay Abdelhamid Sabiri.

Laakiin taageerayaasha ayaa ku eedeeyay goolhayaha Real Madrid inuu qalad ku lahaa goolkaas ka dhashay.

Mid ayaa ku soo qoray Twitter: “Courtois inay badbaadiyo ayay aheyd.”

Mid labaad ayaa yiri: “Courtois laad xor ah ayaa laga dhaliyay. Taageerayaasha Real Madrid waxay ku dhaaranayeen inuu ka fiican yahay Ter Stegen. Qosol waxaan aheyn iima furna.”

Mid seddexaad ayaa soo qoray: “Miyaan haatan joojin karnaa beenta iyo inaan dadka ka dhaadhicino in Courtois uu ka fiican yahay Alisson.”

Taageere Liverpool ah ayaa soo qoray: “Alla haddii Courtois sidaan u dheeli lahaa finalkii Champions League.”

Mid kale ayaa yiri: “Muxuu Courtois sidaan u ahaan waayay markii aan la ciyaareynay finalka Champions League.”

Courtois waxaa digniin u aheyd goolkii qeybta hore ee la diiday laakiin wuu awoodi waayay inuu celiyo laadkii xorta ee qeybta labaad iyadoo xulkiisa uu haatan halis ku jiro.

Morocco ayaa gool labaad dhalisay waqtigii dhimashada markii Ziyech uu kubad u celiyay Aboukhlal kaasoo shabaqa meel kore ka toogtay.

Sida haatan kala sareyntu tahay Morocco ayaa seddex dhibcood ku hogaamineya Group F halka Belgium ay kaalinta labad u soo dhacday. Waxayse wax walba isbedeli karaan ka dib natiijada Canada iyo Croatia.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

February 7, 2023
Share444Tweet278
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Barcelona Oo Samaynaysa Iskudaygii Ugu Dambeeyey Ee Sergio Busquets

Kabtanka Barcelona Oo Dalab Weyn Ka Helay Horyaalka Sucuudiga

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kabtanka kooxda kubadda cagta Barcelona ee Sergio Busquets ayaa dalab uu lacag badan ku qaadanayo ka helay horyaalka waddanka Sucuudiga...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.