Horyaalka Premier League ayaa dib u bilaabanaya iyadoo Arsenal ay isku dayayso inay sameyso wax walba oo awoodeeda ah sidii ay ugu guuleysan laheyd horyaalkeedii ugu horeysay tan iyo 2004tii.
Tababare Mikel Arteta ayaa ku hogaamiyay ciyaartoydiisa da’da yar inay hogaanka u qabtaan horyaalka iyagoo shan dhibcood oo nadiif ah ka sareeya Manchester City.
Macalinka reer Spain ayaa waxaa soo wajahay dhabarjab weyn iyadoo Gabriel Jesus uu dhaawac xun ka soo gaaray jilibka intii uu ku maqnaa Koobka Adduunka.
Jesus ayaa wacdarro u dhigayay Arsenal xilli ciyaareedkan, isagoo dhaliyay shan gool oo horyaalka ah, laakiin waxaa taas ka muhiimsaneyd inuu caawinayay Bukayo Saka, Gabriel Martinelli iyo Martin Odegaard.
Arteta ayaa haatan u baahan inuu isbedel ku sameeyo qorshihiisa suuqa kala iibsiga Janaayo islamarkaana uu la soo wareego xiddiga kooxda Shakhtar Donetsk Mykhaylo Mudryk.
Supercomputer ayaa saadaalin cusub sameeyay ka dib Koobkii Adduunka, wuxuuna saadaaliyay in Arsenal aysan ku guuleysan doonin horyaalka qeybta labaad ee xilli ciyaareedka.
Gunners waxaa loo saadaaliyay inay ku dhameysan doonaan kaalinta labaad, taasoo noqon doonta booskoodii ugu fiicnaa ee ay soo galeen tan iyo xilli ciyaareedkii 2015-16 iyadoo hanashada horyaalka loo saadaaliyay mar kale Manchester City.
Kooxda Pep Guardiola ayaa ku guuleysatay afar Premier League shantii xilli ciyaareed ee ugu danbeysay, waxaa kaliya ka soo dhex gashay Liverpool xilli ciyaareedkii 2019-20.
Afarta sarre waxaa loo saadaaliyay inay dhameystirayaan Liverpool iyo Tottenham halka kooxda duuleysa ee Newcastle loo saadaaliyay inay ku dhameysan doonto kaalinta shanaad.
Manchester United iyo Chelsea ayaa loo saadaaliyay inay kala geli doonaan kaalimaha lixaad iyo todobaad.