Supercomputer Oo SAADAAL Lala Yaabay Bixiyey: Arsenal Oo Horyaalka Ku Guuleysanaysa, Boosaska Man City, Liverpool, United &

Supercomputer ayaa sameeyey saadaal cusub oo ay dood badan ka dhalan karto, sababtoo ah qaabka ay u taallo ee kooxda horyaalka ku guuleysanaysa, goolasha la kala dhalinayo iyo xataa natiijada maalinta ugu dambaysa ee dhibcaha ay koox walba helayso ayaa ah mid hadal-hayn reebaysa.

Run iyo been mid ay noqotaba, koox ay ka nixiso iyo mid ay ka farxisaba, warbaahinta Ingiriiska ayaa sheegtay in saadaashani ay tahay mid hadal-haynteedu ka badan tahay sidii hore, sababtuna waa in Arsenal loo saadaaliyey kooxda ku guuleysanaysa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Supercomputer waxa uu sheegay, in kooxda tababare Mikel Arteta ay guuleysan doonto 27 ka mid ah kulamadeeda horyaalka Premier League ee 38ka ah, isla markaana ay ku darsan doonto shan barbarro ah iyo lix laga badin doono, taas oo ka dhigan in ay xoogsan doonto 86 dhibcood.

Advertisements

Saadaasha ayaa intaa ku dartay, in Arsenal ay dhalin doonto 72 gool, halka iyagana laga dhalinayo 22 gool oo kaliya, waxaanay ka sarrayn doonaan Manchester City oo kaalinta labaad geli doonta, isla markaana haysan doont 83 dhibcood.

Arrinta labaad ee layaabka leh ayaa waxay tahay, in Supercomputer uu kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan uu u saadaaliyey kooxda yar ee Brighton & Hove Albion oo tababaraheedii Graham Potter ay ka qaadatay Chelsea, halka Tottenham ay saadaashu siisay kaalinta afraad ee miiska kala-sarraynta ee maalinta ugu dambaysa horyaalka Premier League ee xilli ciyaareedkan.

Liverpool ayaa ka maqnaan doonta tartanka Champions League ee xilli ciyaareedka dambe, waxaanay ka dheeli doonaan Europa League iyaga oo ku dhamaysanaya kaalinta shanaad ee horyaalka, balse layaabka kale ee saadaashan ku jirta ayaa ah in Brentford ay lixaad ku dhamaysan doonto, halka Manchester United ay booska kaalinta toddobaad geli doonto.

Chelsea ayaa ah kooxda ay saadaashani qalbi-jabka ugu weyn ku ridday, sababtoo ah waxa loo sheegay in ay kaalinta tobnaad ku dhamaysan doonto xilli ciyaareedkan, halka saddexda kooxood ee West Ham United, Leicester City iyo Nottingham Forest ay heerka labaad u dhacayaan.

Imisa gool ayaa la dhalinayaa?

Manchester City ayaa noqon doonta kooxda goolasha ugu badan dhalin doonta, iyadoo adeegsanaysa mishiinkeeda goolasha ee Erling Haaland. Waxay shabaqa taabsiin doonaan 104 gool, halka iyagana laga dhalinayo 24 gool, waxaana nadiif u noqonaya 80 gool. Waa farqi goolal ah oo aan hore logoa arag horyaalka Premier League, sidaas oo ay tahay goolashaasi uguma filnaan doonaan inay horyaalka qaaddo.

Saadaasha Supercomputer oo dhamaystiran sawirkan kaga bogo

Advertisements

0 Screenshot 2022 09 22 112621 1

1 Fekrad

  1. Horyalkan xili la sadaliyo wali la is ma garin ila 20 game no balan ah iga qor midan United vs city wa tartanayasha horyalkan

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada