Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Super Ballon d’Or: Maxaad Kala Socotaa Abaal-marinta Dhif Iyo Naadirka Ah Ee Halka Ciyaartoy Ee Kali Ahi Ku Guuleystay & Fursadda Uu Lionel Messi U Heli Karayo?

by Abdiwahab Ahmed
December 21, 2022
0
Super Ballon d’Or: Maxaad Kala Socotaa Abaal-marinta Dhif Iyo Naadirka Ah Ee Halka Ciyaartoy Ee Kali Ahi Ku Guuleystay & Fursadda Uu Lionel Messi U Heli Karayo?

Sannado badan ayaa abaal-marinta Ballon d’Or loo arkayay abaal-marinta ugu qaalisan ee uu ciyaartoy si shaqsi ah ugu guuleysan karayo, laakiin ka warran haddii xagga hore lagaga daro ‘Super’?

ADVERTISEMENT

Abaal-marintii ugu horreysay ee Ballon d’Or waxa la bixiyey sannadkii 1956kii oo ahayd waqtigii uu wargeyska France Football hindisay in xiddiga ugu fiican sannad kasta lagu maamuuso abaal-marintan, inkasta oo ay ku koobnayd ciyaartoyda reer Yurub illaa laga soo gaadhayay sannadkii 1995kii.

Laakiin waxa kale oo jirtay abaal-marin kale oo qaali ah oo ay xidhiidh leeyihiin Ballon d’Or oo kaliya hal ciyaartoy uu ku guuleystay, hal mar oo kali ahna la bixiyey, waana ‘Super Ballon d’Or’ oo kasii qaalisan abaal-marinta hadda aad aragto ee ciyaartoydu ku guuleystaan ee Ballon d’Or.

Halyeygii Real Madrid ee Alfredo Di Stefano ayaa ah ciyaartoyga kaliya ee ku guuleystay Super Ballon d’Or illaa hadda, mana jiro ciyaartoy kale oo raadkiisa raacay oo abaal-marintan la siiyey.

Super Ballon dOr 1

Di Stefano oo 308 gool u dhaliyey Real Madrid, sidoo kalena qayb weyn ka qaatay shantii koob ee Yurub ee ay kooxda reer Spain ku guuleysatay intii u dhaxaysay 1956kii illaa 1960kii, ayaa laba jeer ku guuleystay Ballon d’Or sannadihii 1957kii iyo 1959kii. Laakiin soddon sannadood kaddib abaal-marintiisa labaad, wargeyska France Football ayaa u sameeyey maamuus gaar ah, waxaana la guddoonsiiyey Super Ballon d’Or.

Sannad-guuradii 30aad ee aas-aaska wargeyska ama majaladda [Magazine] France Football, ayaa la naqshadeeyey Super Ballon d’Or oo la siiyey Alfredo Di  Stefano oo u dhashay Argentina una ciyaaray illaa sannadkii 1949kii, laakiin ka tegay oo haddana u ciyaaray xulalka Colombia iyo Spain oo uu iyagana dhalashooyinkooda qaatay. Waqtigaas ciyaartoyga laguma xaddidayn inuu kaliya hal waddan u ciyaaro, waxaana uu awood u lahaa inuu u dheelo xulka dal kasta oo uu dhalashadiisa qaato.

Johan Cruyff iyo Michel Platini ayaa ku jiray ciyaartoydii u sharraxnaa Super Ballon d’Or ee la tartamaysay Di Stefano, balse waxa laga doorbiday halyeyga Real Madrid oo markii u dambaysay ayaa ciyaartoy reer Spain ah oo u dheela xulka qaranka Spain, waana sababta uu ugu guuleystay labada Ballon d’Or iyo Super Ballon d’Or maadaama ay gaar ku ahaayeen ciyaartoyda reer Yurub.

Si kastaba, taageereyaasha kubadda cagta ayaa maalmihii ugu dambeeyey bilaabay olole ay kaga dalbanayaan wargeyska France Football in uu Lionel Messi siiyo abaal-marinta Super Ballon d’Or maadaama uu toddoba jeer ku guuleystay Ballon d’Or, haddana uu xulkiisa Argentina u qaaday Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Share396Tweet248
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.