Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Sucuudiga Oo Ciyaartoydiisa U Diiday Hadiyadihii Loo Ballan-qaaday Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Argentina

by Abdiwahab Ahmed
December 13, 2022
0
Sucuudiga Oo Ciyaartoydiisa U Diiday Hadiyadihii Loo Ballan-qaaday Kaddib Guushii Ay Ka Gaadheen Argentina
Ciyaartoyda xulka qaranka Sucuudiga ayaa loo ballan-qaaday baabuur qaali ah markii ay kulankoodii koowaad ee Koobka Adduunka garaaceen Argentina oo ay waliba ka daba yimaaddeen, laakiin xidhiidhka kubadda cagta dalkaas ayaa meesha ka saaray in wax abaal-marin ah la siiyo ciyaartoyda kaddib markii ay awoodi waayeen inay kasoo baxaan wareeggii koowaad ee groupyada Koobka Adduunka.

Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Sucuudiga ayaa sheegay in ay been tahay oo aanay haba yaraatee jirin wax ballan-qaad ah oo ay u sameeyeen ciyaartoyda markii ay ka badiyeen Argentina.

“Waxay u ciyaarayeen sharafta dalkooda oo ay matalayeen.” Ayuu yidhi Madaxweynaha xidhiidhka kubadda cagta Sucuudiga Yasser Al Misehal oo u warramayay wargeyska Marca ee kasoo baxa waddanka Spain.

Waxa uu intaa ku daray: “In badan oo ka mid ah ciyaartoydu, waxaabay caan noqdeen markii ay garaaceen Argentina. Mana jirto wax loo ballan-qaaday oo la siinayo. Ciyaartoydayadu waxay matalayeen sharafta qarankooda.

“Nasiib iyo sharaf ayayba u ahayd in ay u ciyaareen dalkooda oo ay taariikh ka keeneen ciyaartii Argentina. Wararka la isla dhex marayo been ayay ahaayeen. Dabcan ciyaartoydu way helayaan abaal-marin, laakiin waxay noqon doontaa mid caadi ah,”

Yasser Al Misehal waxa kale oo uu ka hadlay ciyaartoygii ka dhaawacmay xulkiisa kulankii Argentina ee Al-Shahrani, waxaana uu xaqiijiyey in uu fiican yahay oo uu soo kabanayo, balse lagu sameeyey saddex qalliin oo kala duwan.

ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT
ADVERTISEMENT

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023
Share332Tweet207
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.