Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

“Stupid!! Wixii Ay Ku Guuleysteenba Isaga Ayaa Qasaya” – Patrick Vieira Oo Ka Hadlay Sheekada Emiliano Martinez Iyo Kylian Mbappe

by Abdiwahab Ahmed
December 24, 2022
0
“Stupid!! Wixii Ay Ku Guuleysteenba Isaga Ayaa Qasaya” – Patrick Vieira Oo Ka Hadlay Sheekada Emiliano Martinez Iyo Kylian Mbappe

Tababaraha kooxda kubadda cagta Crystal Palace ee Patrick Vieira ayaa canaan u jeediyey goolhayaha xulka Argentina ee Emiliano Martinez oo uu ku tilmaamay ‘Stupid’ edeb-daran kaddib markii uu laacibkani ku maadaystay Kylian Mbappe oo xulkiisa Faransiiska ay rikoodheyaa kaga qaadeen Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Argentina iyo France ayaa ciyaar 120 daqiiqadood socotay ku kala baxay 3-3 iyadoo Faransiiska  uu saddexlayda  u dhaliyey Kylian Mbappe, hase yeeshee rikoodheyaasha ayaa uu Emiliano Martinez wacdaro dhigay oo uu ka badbaadiyey Kingsley Coman halka Aurelien Tchouameni uu birta  garabmariyey, taas oo keentay in Argentina ay 4-2 ku adkaato.

Inkasta oo uu Mbappe saddex gool oo ciyaarta gudaheeda ah iyo gool afraad oo rikoodheyaashii ahaa ka dhaliyey Emiliano Martinez, haddana goolhayaha Argentina ayaa laacibkan ku maadaystay isaga oo dabbaal-deggii Buenos Aires kasoo muuqday iyadoo uu haysto boombalo laga sameeyey sawirrada Mbappe.

Ciyaartoydii hore ee Faransiiska  ayaa arrintan aad uga cadhooday, waxaana sidoo kale uu xidhiidhka  kubadda cagta dalkaasi ka dalbaday FIFA in tallaabo anshax marin ah laga qaado Emiliano Martinez.

ADVERTISEMENT

Patrick Vieira oo ka mid ahaa xiddigihii xulka qaranka Faransiiska ee ku guuleystay Koobkii Adduunka 1998, haddana ah tababaraha Aston Villa ayaa isaguna arrintan ka hadlay, waxaana uu Emiliano Martinez ku tilmaamay mid edeb daran.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Vieira oo la hadlayay saxaafadda ka hor kulanka Premier League ee Crystal Palace iyo Aston Villa ayaa yidhi: “Marka aad ka hadasho aflagaaddooyinkii iyo falcelintii uu helay kaddib Koobka Adduunka, waxay ila tahay in ciyaartiisa iyo sumcaddiisa shaqsiga ahba ay dhaawacayso.

“Sawirrada qaarkood oo aan ka arkay goolhayaha Argentina waxay ahayd mid hoos u dhigaysa meeqaamka guushii Argentina ee Koobka Adduunka. Anigu ma garanayo waxa ay uga baahnaayeen in ay sidaa sameeyaan [ku maadsiga Mbappe].

“Mararka qaarkood ma xakamayn kartid shucuurta dadka iyo go’aamadooda, laakiin waxa uu ahaa go’aan edeb-darro [stupid] ah oo uu sameeyey Martinez.”

ADVERTISEMENT
Share406Tweet254
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.