Halyeyga Liverpool ee Steven Gerrard ayaa shaaciyey inuu si degdeg ah ugu duuli doono waddanka Jarmalka isaga oo metalaya kooxdiisa hore, isla markaana uu wada-hadallo toos ah lasoo yeelan doono xiddiga khadka dhexe ee reer England ee Jude Bellingham si uu ugu qanciyo inuu yimaddo Anfield.
Steven Gerrard oo falanqeeye ka ahaa ciyaartii ay Liverpool barbarraha goolal la’aanta ah la gashay Chelsea ayaa waxa uu garwaaqsaday in halka ay ka dhutinayso Reds ay tahay khadka dhexe oo ciyaartoydii ay haysteen ay noqdeen kuwo gaboobaya iyo kuwo qaab-ciyaareedkoodii lumiyey.
Jude Bellingham oo 19 jir ah oo ay Liverpool si weyn u doonayso ayaa waxa ku garbinaya Manchester City, Manchester United, Real Madrid iyo PSG oo dhamaantood doonaya inay la saxeexdaan, laakiin Steven Gerrard ayaa waxa uu qorshaynayaa inuu caawiyo kooxdiisa hore.
Isaga ooka hadlayay telefishanka BT Sports oo uu falanqeeye ka ahaa, ayaa Steven Gerrard la weydiiyey haddii uu ku farxi lahaa in uu kooxdiisa ka caawiyo saxeexa Jude Bellingham, waxaanu ku jawaabay: “Su’aashaadu kuma habboona waqtigan, sababtoo ah Liverpool waxay ku jirtaa badhtamaha miiska kala-sarraynta.
“Laakiin waxa aan hubaa in uu Jude in ku filan caawin lahaa. Waxa ka sarrayn lahaa garoon ay fadhiyaan 60,000 taageereyaal ah, waxaanay haystaan mid ka mid ah shanta tababare ee ugu wanaagsan dunida, waxay dhowaan ku guuleysteen Premier League, waxayna sidoo kale yimaaddeen finalkii Champions League ee u dambeeyey.
“Anigu waan doonayaa inuu halkan yimaaddo. Waxa kaliya ee uu u baahan yahay waa in uu iisoo diro jadwalkiisa ama maalin uu fasax yahay, sababtoo ah si shaqsi ah ayaan ugu duuli doonaa Dortmund, waanan la cashayn doonaa, kaddibna waan kala hadli doonaa sidii uu Liverpool ku iman lahaa.”
Rio Ferdinand oo su’aalaha weydiinayay ayaa isaguna yidhi: “Stevie waxa uu noqonayaa wakiil, waxaana uu tegayaa Jarmalka si uu u Jude Bellingham ula saxeexdo.”