Warbaahinta Jarmalka ayaa u dabaaldegay jabkii xulka Spain iyagoo ku farxay inay ka hareen Koobka Adduunka ka dib guuldaradii ka soo gaartay Morocco.
Xulka Waqooyiga Afrika ayaa gool ku laad 3-0 waxay ku garaaceen Spain kuwaasoo qasaariyay dhamaan seddexdii rigoore ay tuureen iyadoo goolhaye Bono uu noqday geesiga ciyaarta.
Waa markii seddexaad oo isku xigta oo Spain tartan weyn looga reebayo rigoorayaal ka dib Koobkii Aduunka ee 2018 oo ay Russia ku reebtay rigoore wareegii 16ka, waxaa sidoo kale rigoore ku reebtay Italy koobkii Euro 2020.
Warbaahinta Jarmalka ayaa u dabaaldegay oo ku farxay jabka Spain madaama ay Spain ay sabab u aheyd inay ku haraan wareega guruubyada Koobka Adduunka.
Warbaahinta Jarmalka ee Ran ayaa daabacday sawir ay ku maadeysanayaan Spain iyagoo soo bandhigay natiijada ciyaarihii Spain ee Japan iyo Morocco, waxayna cinwaan uga dhigeen “cadaalad”.
Waxay sidoo kale soo qoreen: “Spain waxay rabtay Morocco. Spain waxay heshay Morocco. Spain waxaa reebtay Morocco. Jarmalka waa loo aarguday.”
Weeraryahankii hore ee Real Madrid Hugo Sanchez ayaa aaminsan in Spain ay dooneysay inay guuldarro ka soo gaarto Japan si ay uga dhameystaan kaalinta labaad ee gurubkooda islamarkaana uga fogaadaan inay ku dhacaan Spain.
Laakiin guuldaradii Spain ee kulankii Japan waxay qasaaro weyn ku noqotay Jarmalka oo u baahnaa in Spain ay badiso si ay ugu soo baxaan wareega 16ka.