Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Spain Oo TODDOBA Gool Ku Suuxisay Costa Rica Xilli Ay Geysteen Xasuuqii U Weynaa Koobka Adduunka

by Abdiwahab Ahmed
November 23, 2022
0
Spain Oo TODDOBA Gool Ku Suuxisay Costa Rica Xilli Ay Geysteen Xasuuqii U Weynaa Koobka Adduunka

Xulka qaranka Spain ayaa dhulka jiid-jiiday oo si xun u ceebeeyey dhiggooda Costa Rica oo ay ku baabi’iyeen kulankooda koowaad ee Koobka Adduunka oo ka dhacay garoonka quruxda badan ee Al-Thumama Stadium, halkaas oo ay ugu soo awood sheegteen 7-0.

ADVERTISEMENT

Lix ciyaartoy oo kala duwan ayaa qaybsaday shanta gool ee xulka qaranka Spain oo midkood rikoodhe ahaa, waxaana laba is-raacday wiilka uu tababare Luis Enrique soddoga u yahay ee Ferran Torres oo loo diiday fursad uu saddexlay ku raadsado.

Spain ayaan wax badan iskaga tirinin Costa Rica, waxaanay bilowgii ciyaartaba ka ilaalisay kubadda ka hor intii aanay goolasha ku farraqin shabaqooda. Spain 1 1 Daqiiqaddii 11aad ayuu Dani Olmo dhamaystiray baas qurux badan oo uu ka helay Gavi oo kubadda uga soo dhax-saaray dhawr difaacyahan, waxaanu la hor tegay goolhaye Keylor Navas oo ahaa geesi aan garab haysanin oo waayay cid ka joojisa kubbadaha daadka ah ee ku socday.

Waqti badan kuma aanay qaadanin Spain in ay sii dheeraysato hoggaanka ciyaarta, waxaana gool labaad oo qurux badnaa u saxeexay Marco Asensio oo daqiiqaddii 21aad lugta bidix ku dhamaystiray kubbad aanu joojin oo dhinaca bidix uu ka keenay Jordi Alba.

ADVERTISEMENT

RG2Z5DQMX42JNVG4TCXJ6NZIQI

Sidoo Kale Akhri

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

February 7, 2023
Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

February 7, 2023

Goolkan waxa ka horreeyey dhawr fursadood oo dahabi ahaa oo ay ciyaartoyda Spain u dhowaadeen inay ku dheeraystaan hoggaanka, balse Olmo ayaa goolka la seegay fursaddii ugu fiicnayd ka hor intii aanu Ferran Torres khasaarin kubbad loo qaatay inay gool tahay.

Qalad ay difaaca Costa Rica ku galeen Alba ayaa waxa loo dhigay rikoodhe uu gool u beddelay Ferran Torres, iyadoo markii lagu soo noqday qaybta labaadna uu raaciyey goolkiisa labaad oo uu ciyaarta ka dhigay 4-0.

Gavi

Spain wax naxariis ah uma aanay gelin dhiggooda Costa Rica, waxaanay is-raaciyeen saddex gool oo kale oo ay qabsadeen Gavi, Carlos Soler iyo Alvaro Morata, iyadoo ciyaartuna kusoo dhamaatay 7-0 ay guushu ku raacday Spain.

ADVERTISEMENT

Guusha Spain ayaa ah natiijadii ugu weynayd ee laga diiwaangeliyo Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, waxaanay dhaliyeen toddoba gool iyo waliba shabaqooda oo nadiif ah.

Share294Tweet184
ADVERTISEMENT

Related Posts

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

Hadalkii Vini Jr Ugu Jees-Jeesay Xiddigaha Mallorca Oo La Ogaaday – “Markaad Kubadda Ka Fadhiisataan…”

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Waxa halkooda kasii socda bartilmaameedsiga kooxaha Spain sida gaarka ah ugu wadaan da'yarka garabka weerar ee Real Madrid ee Vinicius...

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga & Waxay Wargeysyadu Qoreen Maanta Oo Salaasa Ah

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Paris St-Germain ayaa doonaysa saxeexa Bernardo Silva oo u furan inuu Man City ka tago balse waxay tartan kala kulmayaan...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.