Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Spain Oo Go’aan Ka Gaadhay Garsoorihii Ku Ceeboobay Koobka Adduunka & Catalan derby Ka Hor Kulanka Barcelona vs Atletico Madrid

by Abdiwahab Ahmed
January 5, 2023
0
Spain Oo Go’aan Ka Gaadhay Garsoorihii Ku Ceeboobay Koobka Adduunka & Catalan derby Ka Hor Kulanka Barcelona vs Atletico Madrid

Garsooraha reer Spain ee qaybiya kaadhadhka casaanka iyo huruudda ee Mateu Lahoz ayaa ugu dambayn la ciqaabay, kaddib markii uu ku ceeboobay kulamadii Catalan Derby ee Barcelona iyo Espanyol ee toddobaadkii hore iyo sidoo kale Koobkii Adduunka oo ciyaartii Argentina iyo Netherlands uu jabiyey rikoodhka kaadh-bixinta Koobka Adduunka.

ADVERTISEMENT

Mateu Lahoz ayaa saddexdii ciyaarood ee ugu dambeeyey waxa uu bixiyey 31 kaadh oo huruud ah iyo afar  kaadh oo casaan ah, waxaanay taasi keentay in laga saaro liiska garsooreyaasha horyaalka Spain ee LaLiga ee kulamada 16aad.

Lahoz ayaa loo xil-saaray inuu qabto kulankii Linares iyo Sevilla ee Copa del Rey, hase yeeshee waxa la shaaciyey in gebi ahaanba laga joojiyey horyaalka LaLiga ee kulamada 16aad ee usbuuca soo socda oo garoonka dhexdiisa iyo VAR intaba uu ka maqnaanayo.

Jamaahiirta kooxda kubadda cagta Barcelona oo wadnaha farta ku hayay ka hor ciyaarta Atletico Madrid ee Axadda ayaa waxa lagu wargeliyey in Mateu Lahoz aanu ku jirin liiska toddobaadkan, sida ay shaaciyeen guddia garsooreyaasha ee Spain.

ADVERTISEMENT

Kulanka adag ee Atletico Madrid ay ku martigelin doonto Barcelona garoonka Metropolitano ayaa waxa loo magacaabay inuu dhaxdhaxaadiyo garosore Munuera Montero oo toddobaadkanna hayay ciyaartii Real Valladolid iyo Real Madrid ee lagu cunsuriyeeyey Vinicius Junior, taas oo lagu eedeeyey inuu joojin waayey ciyaarta iyadoo uu maqlayo jamaahiirta Valladolid oo midab-takoor ku samaynaya Vinicius.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

Kulanka adag ee Real Madrid iyo Villarreal ayaa waxa loo magacaabay oo garsoore ka noqon doona Soto Grado iyadoo VAR uu ka caawin doono Iglesias Villanueva.

ADVERTISEMENT
Share362Tweet226
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.