Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Spain & Germany Oo Isku Garab Dhacay, Rajada Jarmalka Oo Xun & Group E Oo La Isku Dhegan Yahay

by Saed Mohamed
November 27, 2022
0
Spain & Germany Oo Isku Garab Dhacay, Rajada Jarmalka Oo Xun & Group E Oo La Isku Dhegan Yahay

Xulka Spain iyo Germany ayaa barbaro 1-1 ah ku kala baxay kulankoodii caawa taasoo sii adkeysay xaalada Group E oo dhamaan afarta kooxood ay weli rajo ka leeyihiin inay u soo baxaan wareega 16ka.

ADVERTISEMENT

Gool uu dhaliyay Alvaro Morata ayay Spain hogaanka ku qabatay ka hor inta uusan Fallkrug u barbareynin dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaana ayaa ka dhigan in Spain ay 4 dhibcood ku hogaamineyso Group E halka ay ku soo xigaan Japan iyo Costa Rica oo min seddex dhibcood leh iyadoo Germany ay leedahay hal dhibic.

Rajada xulka Jarmalka ayaa ku xiran inay Costa Rica ka badiyaan islamarkaana Spain ay ka badiso ama barbaro la gasho Japan

ADVERTISEMENT

Ciyaarta qeybteedii hore ayaa xiiso laheyd iyadoo labada xul ay ciyaareen kubad weerar iyo weerar celis ah oo aan lagu caajisin.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Spain ayaa u dhawaatay inay hogaanka qabato markii Dani Olmo uu kubad gantaal aheyd birta ku garaacay, halka Ferrn Torres uu dusha sarre mariyay kubad u baahneyd inuu shabaqa si aayar ah ugu taabto.

Dhamaadkii qeybta hore ay Jarmalka moodeen inay hogaanka u qabteen ciyaarta markii Rudiger uu kubad laad xor aheyd madax ku dhaliyay.

Laakiin goolkaas waa la diiday madaama daafaca Real Madrid Rudiger uu offside ahaa, waxaana qeybtii hore lagu kala nastay barbaro goolal la’aan ah.

Qeybtii labaad ee ciyaarta tababare Luis Enrique ayaa bedel muhiim ah sameeyay ka dib markii uu bixiyay Ferran Torres isagoo ka soo geliyay Alvaro Morata daqiiqadii 53aad.

ADVERTISEMENT

Bedelkaas ayayna Spain ku faa’iday daqiiqadii 62aad markii Alvaro Morata uu kubad shabaqa ku shubay ka dib baas uu ka helay Jordi Alba.

Daqiiqadii 73aad Jarmalka waxaa soo martay fursad ay ciyaarta ku barbareyn kareen markii Musaila uu kubad ku helay goolka hortiisa laakiin waxaa si fantastik ah u soo badbaadiyay goolhaye Simon.

FimSOzzXEAA5n4L?format=jpg&name=large

Jarmalka ayaa ugu danbeyn helay goolkii barbaraha ay baadigoobayeen ka dib markii Sane uu kubad u dhigay Musaila kaasoo isna kubada uga leexday Fullkrug oo shabaqa meel kore ka toogtay ciyaartana ka dhigay barbaro 1-1 ah.

Dhamaadkii ciyaarta fursad dahabi ah ayaa waxaa Jarmalka ka qasaariyay Leroy Sane, waxayna ciyaarta ku dhamaatay barbaro 1-1 ah.

Share325Tweet203
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.