Xulka qaranka Koonfurta Korea ayaa si mucjiso ah ugu soo gudbay wareegga 16-ka Koobka Adduunka, kaddib markii ay waqti dambe u dagaallameen inay ka daba yimaaddaan Portugal oo ay ku garaaceen 2-1. Gool waqti dambe uu dhaliyey
Gool uu waqtigii dheeraadka ahaa ee lagu daray ciyaarta dhaliyey Young-gwon ayaa sabab u noqday in xulka qaranka Koonfur Korea uu usoo baxo wareegga 16ka, iyadoo qaybtii horena uu Hee-chan ka jawaabay gool bilowgii ciyaarta uu xulka qaranka Portugal u saxeexay Horta.
Portugal ayaa kaalinta koowaad kaga soo baxay Group-ka inkasta oo laga badiyey sababtoo ah labadii ciyaarood ee hore ayay guuleysteen iyaga oo haysta lix dhibcood, halka Koonfur Korea oo afar dhibcood haysataa ay iyaduna kusoo baxday kaalinta labaad inkasta oo ay isku dhibco ahaayeen Ghana iyo Uruguay.
Ciyaartoyda xulka qaranka Koonfur Korea ayaa si adag ugu dagaallamay guushan cajiibka ah ee ay gaadheen, waxaanay si dhif ah ugu soo baxeen wareegga labaad ee 16ka, iyaga oo ka siman dhinaca goolasha, sababtuna waxa la isku eegay dhinaca goolasha ay dhaliyeen.
Koonfur Korea ayaa waxay dhalisay afar gool saddexdii ciyaarood ee ay dheeleen, halka Uruguay ay kaliya laba gool dhaliyeen. Afarta gool ee Korea ay dhalisay afar kale ayaa laga dhaliyey, halka Uruguay ay iyaduna dhalisay laba gool, laba goolna dhaliyey.
Dhinaca kale, Ghana oo afar dhibcood haysatay ayaa rajo weyn ka qabtay inay soo gudbi doonto iyada oo waliba u cadhaysnayd Uruguay oo sannadkii 2010 ka reebtay Koobka Adduunka iyaga oo waliba iska khasaariyey rikoodhe sannadkaas, hase yeeshee waxa ku dhacday nasiib-darro iyaga oo awoodi waayey inay la yimaaddaan dhibic laga doonayay, waxaanay sidaas kaga hadheen Koobka Adduunka. Sidoo kale Uruguay oo afar dhibcood ku heshay guul 2-0 ah oo ay ka gaadhay Ghana ayaa iyaduna ka hadhay Koobka Adduunka.
Daqiiqaddii 21aad ayaa rikoodhe VAR laga soo hubiyey loo dhigay xulka Ghana, waxaana kubadda qaatay Andrew Ayew oo si jilicsan u laaday isaga oo waliba dul-istaagay kubadda, waxaana ka raacay goolhaye Sergio Rochet Alvarez.
Rikoodhan ay iska khasaariyeen ayaa niyad-jabiyey ciyaartoyda Ghana, waxaanay markiiba u fasaxeen Uruguay inay kubadda la timaaddo xerada ganaaxa oo waliba goolal degdeg ah laga dhaliyo.
Daqiiqaddii 26aad ayay Uruguay la wareegtay hoggaanka ciyaarta, waxaana kubbad uu Luis Suarez goolka ku toogtay oo uu badbaadiyey goolhayaha Ghana madax ku dhamaystiray Giorgian de Arrascaeta.
Ghana ayaa mar kale illowday inay ciyaarto kubadda sababtoo ah waxa shan daqiiqadood gudahood ku wada dhacay laba arrimood oo ah in rikoodhe ay iska khasaariyeen iyo in gool degdeg ah laga dhaliyey.
Iyaga oo gaggabsan oo wali la yaabban waxa ku dhacay ayaa mar kale Uruguay ay sii dheeraysatay hoggaanka ciyaarta, waxaanay la timid gool kale oo degdeg ahaa oo daqiiqaddii 32aad uu u saxeexay De Arrascaeta oo ahaa laaacibka dhaliyey goolka hore.
Ghana ayaa dib ka dagaallantay maadaama ay kusoo bixi karaysay badin iyo barbarro, balse waxay awoodi wayday inay iska soo beddo goolasha lagala hormaray, sidaas ayaanay ciyaartu ugu soo dhamaatay 2-0.