Khabiirka kanaalka Sky Sports ee Jones Knows ayaa sidii looga bartay sameeyay saadaashiisa toddobaadlaha ah ee horyaalka Premier League oo berri soo laabanaya kaddib toddobaadyo kulamada caalamiga ah lagu maqnaa.
Tobbanka kulan ee Usbuucan ayay ugu waaweyn yihiin kulamada Arsenal v Tottenham iyo Man City v Man United ee Derby-ga ah.
Aan ku bilawnee kulanka toddobaadka lagu furayo oo ah midka North London Derby ayuu Jones qabaa inay kooxaha Mikel Arteta iyo Antonio Conte barbardhac ku heshiin doonaan.
Jones ayaa sidoo kale guul u diiday Graham Potter oo kulankiisii koowaad Chelsea hoggaamin doona Premier League isagoo u rajeeyay inay Crystal Palace barbardhac lasoo gali doonaan.
Jones oo aad moodo inuu kooxaha waaweyn ku adkaynayo toddobaadkan ayaa sidoo kale barbardhac ay Anfield ku gasho u saadaaliyay Liverpool oo soo dhawaynaysa Brighton iyo macalinkeeda cusub.
Kulanka Manchester Derby ayuu libinta siiyay kooxda martida loo yahay ee Man City oo uu qabo inaysab United wax dhib ah ku abuuri doonin.
Saadaasha Jones Knows Ee Premier League Toddobaadkan Oo Dhammaystiran
Arsenal 1-1 Tottenham
Crystal Palace 1-1 Chelsea
Fulham 2-0 Newcastle
Bournemouth 0-1 Brentford
Liverpool 1-1 Brighton
Southampton 0-1 Everton
West Ham 0-1 Wolves
Man City 2-0 Man United
Leeds 2-0 Aston Villa
Leicester 3-1 Nottingham
Arsinal 1 -2 Tottenham
Manchester City 3-1 Manchester United
Leicester 1-3 Nottingham
Liverpool 2-1 Brighton
Man utd 2 vs man city 1