Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Sixirowgii Paul Pogba Oo Afka Furtay Kana Hadlay Haddii Uu U Sixray Kylian Mbappe Kulankii PSG & Man United

by Saed Mohamed
December 7, 2022
0
Sixirowgii Paul Pogba Oo Afka Furtay Kana Hadlay Haddii Uu U Sixray Kylian Mbappe Kulankii PSG & Man United

Ninkii lagu sheegay inuu ahaa sixirowga Pual Pogba oo lagu magacaabo Birame D ayaa wareysi dheer siiyay jariirada Faransiiska ee Le Parisien isagoo ka hadlay kiiska handadaada iyo laaluushka ah ee la xiriira Paul Pogba ee ay ku sameeyeen walaalkiis iyo saaxiibadiis.

ADVERTISEMENT

Pogba walaalkiis ka weyn iyo qaar ka mid ah saaxiibadiis ayaa ugu hanjabay inay kashifi doonaan inuu sixray Mbappe kulankii Man United iyo PSG ama haddii kale inuu siiyo iyaga lacag gaareysa 7 milyan euro.

Dhamaan dadkii handaday Pogba oo uu walaalkiis ku jiro waxay ku jiraan xabsiga iyadoo ay dacwad ku socoto.

Birame D oo ah ninka la sheegay inuu yahay sixirowga ayaa beeniyay in Paul Pogba uu weydiistay inuu u sixro Kylian Mbappe iyo xiddigaha kale ee PSG kulankii Champions League ee Man United iyadoo kooxda Ingariiska ay ka talaabsatay kooxda Faransiiska waqtigaas.

ADVERTISEMENT

Birame D ayaa u sheegay Le Parisien inay tani noqon doonto markii ugu horeysay iyo markii ugu danbeysay ee uu ka hadlo arintaan, isagoo haatan ku nool magaalada Paris.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

February 6, 2023
SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

February 6, 2023

“Dadka qaar beenta waxay geysay meel aad u fog” ayuu yiri Birame D oo ka hadlayay eedeymaha la xirira in Paul Pogba uu weydiistay inuu u sixro Kylian Mbappe.

Ninkaan sixirowga lagu sheegay wuxuu ku dhashay Senegal, wuxuuna tagay France isagoo qaan gaadh ah, haatana waa aabe 39 sanno jir ah.

Wuxuu sheegay in nin ay saaxiibo dhow ahaayeen Pogba oo lagu magacaabo Mamadou M inuu ka danbeeyay beenta laga faafiyay Pogba, waana nin ka mid ah dadka loo heysto inay handadeen Pogba oo ay afduubteen si ay lacag uga qaataan.

“Sheekadaan la xiriirta sixirka waa wax la abuuray” ayuu yiri Birame. “Paul marnaba ima weydiisan inaan u sixro Kylian Mbappe haddii ay ahaan laheyd kulankii PSG iyo Man United ama mar kalaba. Marka kaliya ee aan ka wada hadalnay Kylian Mbappe waxay aheyd mar aan taleefan ku sheekeysaneynay waqtigii uu socday Koobkii Adduunka ee 2018kii

ADVERTISEMENT

“Ka dib ciyaartii Argentina oo ay France 4-3 ku badisay, waxaan ku iri Paul Pogba ‘waa waali sida uu u fudud yahay midkaas yar’ Paul wuxuu iigu jawaabay ereyadaan: ‘Kylian waa hadiyad Ilaah inooga timid, wuu ina badbaadiyaa, wax badan oo fiican ayuu inoo qabtaa.”

Birame ayaa sheegay inuusan mar kale kala hadlin Paul Pogba wax la xiriira Kylian Mbappe.

“Si kastaba, marnaba kama aynan hadlin kubada cagta, kulamo soo socda ama xirfada shaqo ee Paul.” ayuu carabka ku adkeeyay.

Birame ayaa ka hadlay sida ay isku barteen Paul Pogba: “Qof aan labadeena saaxiib la aheyn ayaa iska keen baray markii uu Paul u ciyaarayay Juventus oo uu ku dhawaa inuu ku biiro Manchester. Wixii markaas ka danbeeyay waqtiyo badan ayaan taleefan ka hadalnay, labo jeer ayaana isku aragnay Manchester.”

Kiiska dacwada afduubka iyo handadaada ee Paul Pogba oo dhawaan maxkamad laga dhageystay ayuu Pogba ku qiray inuu yaqaano Birame D balse uu kaliya lacag siiyay si uu tabarucaad uga sameeyo meelo ka tirsan Afrika laakiin markii uu ogaaday inuu isaga lacagta qaatay uu xiriirka u gooyay.

Birame D oo eedeynta Pogba ka jawaabayay ayaa yiri: “Boliiska hortiisa Paul Pogba wuxuu doortay inuu iska keey fogeeyo. Aniga laakiin ma doonayo inuu magaciisa wasaqeeyo, waxaana u xusuusnaan doonaa inuu yahay shaqsi qurux badan.”

Share382Tweet239
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

Manchester City: Mishiinkii Lacagta, Ciyaartoyda Dembiga Geliyey Ee Ay La Saxeexatay Iyo Xiddigaha Lagu Amrayo Inay Iska Tagaan

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Manchester City ayay xaaladdu ku xun tahay. Waxa loo haystaa dambiyo waaweyn oo haddii lagu helo aanay ciqaabaha lagu rido...

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

SAADAAL: Supercomputer Oo Saadaal Cusub Ka Sameeyey Premier League Kaddib Guul-darradii Arsenal Iyo Ganaaxa Manchester City

by Abdiwahab Ahmed
February 6, 2023
0

Supercomputer ayaa saadaal cusub ka sameeyey horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League kaddib guul-darrooyinkii soo gaadhay Arsenal iyo Manchester City...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.