Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

Sirta Qarsoon Ee Arsenal Ka Caawinaysa In Saxeexa Joao Felix Ay Ku Garaacaan Manchester United

by Abdiwahab Ahmed
January 2, 2023
0
Joao Felix Oo Ogolaatay Inuu Amaah Ku Tago Horyaalka Premier League & Kooxda Uu Ka Degayo

Kooxaha Manchester United iyo Arsenal ayaa aad loola xidhiidhinayaa xiddiga xulka Portugal iyo Atletico Madrid ee Joao Felix, inkasta oo ay hadda soo baxayaan caqabado dhinaca dhaqaalaha ah oo ay kooxda reer Spain ku xidhayso naadiyadan, taas oo sababi karta in ay ka laabtaan damacii ay ku doonayeen inay kula saxeexdaan.

ADVERTISEMENT

Suuqa January ee shalay furmay ayaa labada kooxood ee Manchester United iyo Arsenal ka raadinayaan weeraryahanno ay isku xoojiyaan, kaddib markii bixitaankii Cristiano Ronaldo ee Old Traffordiyo dhaawacii Gabriel Jesus ee Emirates Stadium.

Joao Felix oo 23 jirah ayaa la filayay inuu iskaga tago Atletico bishan January, iyadoo xurguf u dhaxaysa Diego Simeone ay soo baxday xilligii uu socday Koobka Adduunku. Atletico ayaa la rumaysan yahay inay aqbalayso inay laacibkan ku iibiso 100  milyan oo Euro, laakiin kooxaha Premier League ayaa ka cago-jiidaya  inay bixiyaan lacagtaas, waxaanay ka doorbidayaan amaah lix bilood ah.

Sida uu qoray wargeyska  The Athletic, Arsenal ayaa kaga hormartay Manchester United saxeexa amaahda ee laacibkan, inkasta oo dhinaca lacagta ay caqabad ka jirto. Xiddiga khadka dhexe ee reer Ghana ee Thomas Partey oo ay saaxiibbo yihiin Felix ayaa la sheegay inuu mar horeba la xidhiidhay laacibka reer Portugal oo uu ku qanciyey inuu yimaaddo Emirates Stadium.

ADVERTISEMENT

Warka ayaa intaa ku daray, in Joao Felix uu qalbigiisu jiro Arsenal oo uu doonayo inuu ka garab ciyaaro Thomas Partey oo ay waqti fiican kusoo wada qaateen Atletico Madrid.

Sidoo Kale Akhri

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023
Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023

Si kastaba ha ahaatee, wariyaha ciyaarayaha David Ornstein ayaa sheegay, in Atletico Madrid ay dalbanayso €15 milyan oo Euro oo ah lacagta amaahda ee lixda bilood uu laacibkani kaga maqnaanayo iyo €6 milyan oo Gini oo mushaharka laacibkan ah, taas oo aanay kooxna aqbali karayn.

Laakiin dhinaca kale, waxa jira warar sheegaya in Atletico Madrid ay aqbali karayso €10 milyan oo Euro iyo mushaharka laacibkan oo ay bixiso kooxda doonaysa inay amaahda ku qaadato.

ADVERTISEMENT
Share404Tweet252
ADVERTISEMENT

Related Posts

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.