Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Sirta Guulaha Manchester United Oo La Ogaaday & Sida Uu Erik ten Hag Ku Xalliyey Labadii Dhibaato Ee Ugu Waaweynaa

by Abdiwahab Ahmed
January 4, 2023
0
Sirta Guulaha Manchester United Oo La Ogaaday & Sida Uu Erik ten Hag Ku Xalliyey Labadii Dhibaato Ee Ugu Waaweynaa

Manchester United ayaa ugu dambayntii u muuqata inay noqotay koox tartamaysa oo kasoo baxday waqtigii adkaa, inkasta oo wali ay ka liigayaan afka hore ee weerarka oo ay u baahan yihiin dhaliye cabiici ah oo ka tayo iyo tamar badan Marcus Rashford.

ADVERTISEMENT

Manchester United ayay horyaalka Premier League oo ay ku guuleysato ugu dambaysay sannadkii 2013, balse sansaantooda xilli ciyaareedkan ayaa  muujinaysa inay ku taagan yihiin tub wanaagsan oo dibu-dhis ah oo ay sannadaha soo socda ku hanan karayaan horyaalka Premier League.

Tababare Erik ten Hag ayaa muddo kooban ku xalliyey dhibaatooyinkii waaweynaa ee kooxda haystay, waxaase uu doonayaa in suuqii labaad ee kusoo mara Old Trafford uu ka adeegto oo meelaha gol-daloolooyinku ka jiraan uu iska daboolo.

Labadii meelood ee dhibaatada ugu weyni ka haysatay Manchester United ayaa hadda ah labada ay ugu xooggan tahay, waxaana xalliyey laba ciyaartoy oo si buuxda ugu caddeeyey jamaahiirta kooxda in halka ay joogaan aanay cidina uga soo dhacaynin.

ADVERTISEMENT

Christian Eriksen ayaa hoggaanka u dhiibay Manchester United kulanakii Nottingham Forest, waxaanauu mar kale laad xor ah oo uu soo qaaday uu awooday inuu soo dhaafiyo difaacyahannada, waxaana gool u beddelay Casemiro oo waliba lugtiisa midig adeegsanaya.

Sidoo Kale Akhri

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

February 7, 2023
DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

February 7, 2023

Waxay ahayd waqti ay labadii saxeex ee xagaagii isku dhiibeen goolasha, iyaga oo dhinaca kalena kooxda kusoo kordhiya hal-abuur, deggenaansho, cidhiidhi ay kooxda kale saarayaan iyo hirgelinta falsafaddii tababare Erik ten Hag.

Casemiro ayaa mar kale ahaa ciyaartoyga maamulayay khadka dhexe ee bandhigga heerka sare ah samaynayay, halka Eriksen uu gaoronka ka ahaa geesiga aan loo heesin ee isaga oo aanay kaamirooyinku si weyn u ahaynin haddana shaqada badan qabanayay.

30 jirka reer Denmark ee Eriksen ayaa afartii ciyaarood ee ugud ambeeyey waxa uu sameeyey saddex caawimood, waxaanay intooda badan ahayeen lad xor ah, waana arrin ay kooxdu ku dhibaatoonaysay xilli ciyareedkii hore oo ciyaartoyda usoo tuuraya laadka xorta ah aanay kubadda geynayn halka ciyaartoyda Man United joogaan.

Casemiro ayaa isaguna ka sokow waardiyaha uu ka yahay difaaca, waxa uu kooxda kusoo kordhiyey deggenaansho iyo kalsooni ay ka qabaan in aan si fudud gool looga dhalin karayn, waxaana u dheer baasas qurux badan oo uu khadka dhexe ku burburinayo.

ADVERTISEMENT
Share440Tweet275
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

Manchester City Oo Qabsatay Qareen Toddobaadkii Ay Siinayso £400,000 Gini Si Uu Uga Badbaadiyo Ganaaxyada Culus

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Manchester City ayaa lagu soo warramayaa in ay shaqaalaysiisay qareen ka difaaca eedaymaha iyo dembiyada lagu soo...

DEG DEG: Cristiano Ronaldo Oo Helay Dalab Seddex Sannadood Ah Oo Ku Kacaya 225 Milyan Doolar

DEG-DEG: Carlo Ancelotti Oo Shaqada Laga Caydhinayo Toddobaadkan

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa gaadhay go'aan lama filaan ah, waxaana shaqada laga eryayaa tababare Carlo Ancelotti oo xilli...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.