Gerard Pique iyo Shakira ayaa kala tegay kaddib markii la ogaaday la ogaaday in uu daafacan hore ee Barcelona uu khiyaameeyey xaaskiisa oo uu xidhiidh la sameeyey gabadh kale oo da’yar oo ardayad ka ah magaalada Barcelona.
Shakira ayaa markii ay ogaatay in uu laacibkani uu shukaansi la bilaabay gabadh kale waxay iskaga guurtay waddanka Spain iyadoo burburisay qoyskoodii. Khilaaf ayaa ka dhashay waxa laga yeelayo laba carruur ah oo ay isku dhaleen Shakira iyo Pique, balse ugu dambayntii waxay ku heshiiyeen in ay haysato fannaanaddan reer Colombia oo ula guurtay waddanka Maraykanka.
Pique ayaa maalmihii ugu dambeeyey waxa la arkayey isaga oo jacaylkiisa cusub ee Clara Chia Marti dalxiisyo kula jira, halka Shakira ay soo qaadday hees ay ku kharbaashayso saygeeda hore oo ay ku tilmnaantay mid dahab lumiyey isla markaana doortay qof aan iyada gaadhi karin.
Arrinta xiisaha leh ee hadda soo baxday ayaa waxay tahay qaabka ay Shakira ku ogaatay in uu khiyaameeyey Pique, waxaana xogta bannaanka keenay telefishanka El Gorda y la Flaca oo helay siro hoose oo dadkii ay adeegsatay ah.
Shakira ayaa waxay dirsatay baadheyaal ama basaasiin dabagal ku sameeyey Gerard Pique markii ay ka shakiday, waxaanay basaasiintan oo ay lacago badan siisay ay u keeneen caddaymo buuxa oo sawirro ah oo uu dafiri kri waayey Pique.
Sawirrada loo keenay Shakira ayaa waxa wehelinayay muuqaallo laga duubay Pique iyo Clara Chia Marti oo meelo qarsoodi ah ku kulmaya iyaga oo dhinaca kalena iska ilaalinaya Shakira iyo saxaafadda si aanay xogtoodu bannaanka u imanin.