Kylian Mbappe ayaa ka mid noqday shan ciyaartoy oo xulka qaranka Faraniiska ah oo aanu Karim Benzema xidhiidhka u jarin, kaddib markii uu maanta qaaday tallaabo uu kusoo afjarayo saaxiibtinimadii baraha bulshada ee kala dhaxaysay ciyaartoydii xulka Faransiiska uga qayb-gashay Koobka Adduunka ee Qatar.
Shan ciyaartoy oo kala ah Kylian Mbappe, Tchouameni, Varane, Camavinga iyo Marcus Thuram ayaanu Karim Benzema u jarin xidhiidhka, waxaanay taasi caddaysay heerka ay gaadhsiisan tahay saaxiibtinimadoodu iyadoo saddex ka mid ah ay waqti kusoo wada qaateen Real Madrid, halka Thuram iyo Mbappe ay iyagana xidhiidh fiican leeyihiin.
Sida ay sheegtay idaacadda COPE, Mbappe ayaa aad uga xumaaday markii uu tababaraha xulka qaranka Faransiiska ee Didier Deschamps ka saaray Benzema xulka qaranka France, maadaama uu doonayay inay iska garab ciyaaraan.
Warka ayaa intaa ku daray, in Mbappe oo raaxo ku dareema inuu ka garab ciyaaro Benzema, ayay u qaadan waa ku noqotay markii uu ogaaday in November 19 uu Deschamps u sheegay Benzema inuu iskaga tago xulka iyadoo uu ugu marmarsiiyooday dhaawac fudud oo daaweyntiisu saddex maalmood oo kaliya qaadan lahayd.
Arrintan oo keentay in Benzema uu gebi ahaanba ka fadhiisto ciyaaraha caalamiga ah maalin kaddib markii xulkiisa France lagu garaacay finalkii Koobka Adduunka ayaa waxa maqnaanshihiisu uu niyad-jab ku ahaa Kylian Mbappe oo rumaysnaa in haddii ay iska garab ciyaaraan Benzema aanay cidina joojinayn, isla markaana ay difaacan lahaayeen Koobka Adduunka.