Tababaraha xulka qaranka Brazil ee Tite ayaa beeniyey war suuqa lasoo geliyey oo sheegaya in uu isagu sabab u ahaa dhaawaca culus ee jilibka kasoo gaadhay weeraryahanka Gabriel Jesus oo la sheegay in uu muddo saddex bilood ah garoomada ka maqnaan doono.
Jesus ayaa uu dhaawac kasoo gaadhay ciyaartii Cameroon ee Jimcihii, waxaanay wararku sheegayaan inuu u duuli doono magaalada London oo lagu samayn doono qalliin uu garoomada kaga maqnaan doono muddo saddex bilood ah.
Arsenal ayaan wali xaqiijin in Jesus lagu samayn doono qalliin iyo in kale, balse dhakhaatiirteeda ayaa qiimayn doona xaaladdiisa marka uu laacibkani dib ugu laabto London maalmaha soo socda.
Saxaafadda Brazil ayaa ku eedaysay tababare Tite in uu sabab u yahay dhaawaca Jesus, sababtoo ah waxa uu ciyaarsiiyey oo uu waliba kusoo bilaabay weeraryahankan oo ka cabanaya xanuun uu ka dareemayo jilibka lugta midig, taasina keentay inay xaaladdiisu ku dambayso heer uu qalliin gelayo.
Si kastaba, Tite oo saxaafadda la hadlay ayaa beeniyey warkaas, waxaana uu sheegay in ay tahay been cad oo aanu Gabriel Jesus wax xanuun ah dareemayn ka hor kulankii Cameroon, sidoo kalena aanay wax cabasho ah ka maqal isaga iyo dhakhaatiirtuba, waxaanu yidhi: “Waa su’aal wanaagsan, sababtoo ah ma jecli in aan maqlo beenta iyo ficillada shaydaanka.
“Kuwa sidaa sheegayaa waa dad doonaya inay abuuraan waxyaabo kale oo xun-xun, waqtina uma hayno kuwaas, balse anagu ma ciyaarsiino ciyaartooyo dhaawacan ama khatar uma gelino ciyaartoyda si aanu u guuleysano.”