Kooxda kubadda cagta Newcastle United oo adeegsanaysa lacagta badan ee Sucuudigu la garab taagan yahay ayaa weerar ku qaadaysa Barcelona, waxaanay doonayaan in ay bishan January kala soo wareegaan xiddig uu dhowaan tababare Xavi Hernandez sheegay inuu doonaayo inuu sii joogo illaa dhamaadka xilli ciyaareedkan.
Barcelona ayay warbaahinta Spain sheegtay inay dhegaysanayso dalabyada laga soo gudbiyo saddexda weeraryahan ee Raphinha, Ansu Fati iyo Ferran Torres, hase yeeshee waxa isagana aanu mustaqbalkiisu sugnayn weeraryahanka reer Netherlands ee Memphis Depay.
28 jirkan ayaa afar ciyaarood oo kaliya oo dhamaan tartamada ah u saftay Barcelona xilli ciyaareedkan, waxaana uu xataa Xavi Hernandez marar badan kusoo dari waayey liiska ciyaartoyda kaydka, taas oo keentay in uu laacibkani ku fikiro inuu iskaga tago.
Atletico Madrid ayaa lala xidhiidhinayey maalmihii ugu dambeeyey markii uu ka tegay Joao Felix oo amaah ugu wareegay Chelsea, hase yeeshee Newcastle United ayaa si xooggan usoo gashay doonista Memphs Depay, waxaanay ka gudbiyeen dalab qiime fiican xambaarsan.
Wargeyska Sport ayaa sheegay, in Newcastle United ay dedaal badan ku bixinayso sidii ay ula saxeexan lahayd Depay bishan January, si ay u adkaystaan booskooda kaalinta saddexaad ee horyaalka Premier League amaba ugu yaraan a farta sare u iman lahaayeen.
Tababare Eddie Howe oo xaqiijiyey in kooxdiisu ay doonayso ciyaartooyo khibrad leh, inkasta oo uu carrabka ka ilaaliyey Memphis Depay, waxaana uu qiray inay dedaal badan ku bixinayaan sidii ay isku xoojin lahaayeen inta aanu xidhmin suuqa iibka ciyaartoydu.