Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Shaxda Xulka Qaranka England Kula Ciyaarayo Senegal Oo Lasoo Dusiyey – Yaa Kusoo Bilowday Yaase La Fadhiisinayaa?

by Abdiwahab Ahmed
December 4, 2022
1
Shaxda Xulka Qaranka England Kula Ciyaarayo Senegal Oo Lasoo Dusiyey – Yaa Kusoo Bilowday Yaase La Fadhiisinayaa?

Tababaraha xulka qaranka England ee Gareth Southgate ayaa kaydka dhigaya weeraryahanka Manchester United ee Marcus Rashford kulanka adag ee caawa ay Senegal ku waajahayaan wareegga 16ka Koobka Adduunka. Rashford oo ah ciyaartoyga ugu goolasha badan England Koobka Adduunka ee ka socda waddanka Qatar, isla  markaana saddex gool dhaliyey la sheegay in uu kaydka geli doono.

ADVERTISEMENT

Shaxda uu Gareth Southgate ku ciyaarayo kulankan oo lasoo dusiyey ayaa waxa uu fursad uu isku muujiyo siin doonaa Phil Foden oo laga doorbidi doono Rashford, kaddib markii uu ciyaar heersare ah soo bandhigay kulankii Wales.

Foden ayaa weerarka kula  soo bilaaban doona Harry Kane oo aan wali wax gool ah ka dhalinin Koobka Adduunka iyo sidoo kale Bukayo Saka oo laba gool saxeexay intii uu tartanku socday.

Kyle Walker ayaa difaaca midig kala bixi doona Kieran Trippier oo kaydka u dhici doona, taas oo ka dhigan in Trent Alexander-Arnold aanu wax fursad ah ka heli doonin xulka dalkiisa ee Koobka Adduunka oo uu kaydka ku jiri doono.

ADVERTISEMENT

Harry Maguire, John Stones iyo Luke Shaw ayaa lama taabtaan ka ah difaaca xulka qaranka England, waxaana hadda soo raacaya Kyle Walker oo kasoo kabtay dhaawac sababay inuu labadii ciyaarood  ee ugu horreeyey ka maqnaado, waxaana u taalla shaqo adag oo ah inuu xakameeyo weerarka orodka badan ee xulka qaranka Senegal.

Sidoo Kale Akhri

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

January 29, 2023
Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

January 29, 2023

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson ayaa kasoo hormari doona Mason Mount oo warbaahinta Ingiriisk ee heshay liiska xulka England ee ciyaarta caawa ay sheegtay in kaydka loo dirayo, waxaana sidoo kale khadka dhexe kula soo bilaaban doona Jude Bellingham iyo Declan Rice.

Shaxda xulka qaranka England kula ciyaarayo Senegal ee la sheegay in saxaafadda Ingiriiska loosoo dusiyey: Pickford; Walker, Stones, Maguire, Shaw; Rice, Bellingham, Henderson; Foden, Kane, Saka

ADVERTISEMENT
Share359Tweet224
ADVERTISEMENT

Related Posts

Jurgen Klopp Oo Uu Samirkii Ka Dhamaaday & Afarta Ciyaartoy Ee Uu Birta Dhaafinayo

Liverpool Oo Soo Xirtay Suuqeeda Kala Iibsiga Xilli Laga Reebay FA Cup

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa meesha ka saaray in kooxdiisa ay ciyaartooy la soo wareegeyso maalmaha yar ee ka haray...

Liverpool Oo £53 Milyan Oo Gini Dul-dhigtay Xiddiga Lagu Naanayso ‘Xabi Alonso-ha Cusub’

Jurgen Klopp Oo Shaaciyay Labo Arimood Oo Sabab U Ahaa Guuldaradii Brighton Ee Maanta

by Saed Mohamed
January 29, 2023
0

Tababaraha kooxda Liverpool Jurgen Klopp ayaa shaaca ka qaaday labo arimood oo u sabab u ahaa guuldaradii 2-1 ee maanta...

Comments 1

  1. Ahmed Yesposs says:
    2 months ago

    Nio haddi shaxdaa aad so dhigteen wax laga badalo waxaan unlike dhihi pagkinan waxa kale oon araky in isla shaxdi kula wales ay ku ciyaari doonto england waxana ka arkay sky sports beentini ayaa badatay waa malinti partan igu danbayn lahayd hadi warbixintaas wax laga badalo

    Reply

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.