Wargeyska qiimeynta ku ad-adag ee ka soo baxa dalka Faransiiska L’Equipe ayaa soo saaray shaxda sannadkan oo ah 11kii xiddig ee ugu fiicnaa horyaalada Yurub sannadkan sii dhamaanaya ee 2022ka.
Wargeyska ayaa ku caan baxay inuu qiimeyn lafo taabasho ah siiyo ciyaartoyda, iyagoo dhawaan diiday inay qiimeeyaan Ousmane Dembele ka dib markii la bedelay qeybtii hore ee kulankii finalka Koobka Adduunka.
Laakiin shaxdooda kooxda sannadka waxay ku soo dareen seddex xiddig oo Faransiis ah Kylian Mbappe, Karim Benzema iyo Theo Hernandez.
Mbappe oo dhaliyay seddexleey kulankii finalka Koobka Adduunka ayaa sannadkan ku dhameysanaya 55 gool uu u dhaliyay kooxdiisa iyo wadankiisa.
Wuxuu sidoo kale qaatay bilada qalinka ee Koobka Adduunka isagoo ku guuleystay sannadkan horyaalka Ligue 1.
Benzema ayaa guulo waa weyn gaaray 12kii bilood ee la soo dhaafay isagoo dhaliyay 31 gool wuxuuna ku guuleystay Champions League, La Liga iyo abaalmarinta Ballon d’Or.
Abaalmarinta wuxuu ka qaaday Lionel Messi kaasoo 35 gool u dhaliyay sannadkan 2022 kooxdiisa PSG iyo Argentina.
Sida Mbappe wuxuu Messi ku guuleystay horyaalka Ligue 1 iyo weliba ugu danbeyn isagoo kor u qaaday Koobka Adduunka.
L’Equipe waxay shaxda sannadka ku soo dartay afar ciyaaryahan oo Premier League ah oo kala ah Kevin de Bruyne, Kyle Walker, Casemiro iyoVirgil van Dijk.
De Bruyne iyo Walker waxay Man City ku hogaamiyeen hanashada Premier League iyagoo ka qaaday Van Dijk iyo kooxdiisa Liverpool.
Casemiro oo xagaagii Manchester United kaga soo biiray Real Madrid ayaa sannadkan ku guuleystay Champions League iyo La Liga.
Goolhaye Thibaut Courtois iyo Luka Modric ayaa iyagana shaxda ka soo muuqday. Halka daafaca bidix Lucas Hernanez uu AC Milan ka caawiyay horyaalkoodii ugu horeeyay ee muddo 11 sannadood ah.