Shaxda Rasmiga Ah Ee Real Madrid Kula Ciyaarayso RB Leipzig – Hazard Oo Kaydka La Dhigay Xilli Uu Benzema Dhaawac Ku Maqan Yahay

Real Madrid ayaa garoonkeeda Estadio Santiago Bernabeu ku qaabbilaysa kooxda reer Germany ee Red Bull Leipzig, waana ciyaartii labaad ee kooxda difaacanaysa Champions League ay dheesho xilli ciyaareedkan, iyadoo kulankii hore soo garaacday Celtic oo ay marti u ahayd.

Carlo Ancelotti ayaa waxa uu isbeddel ku sameeyey safkii uu ku ciyaaray toddobaadkii hore, kaddib dhaawaca Karim Benzema oo Celtic Park ka  baxay qaybtii hore, waxaana beddelay Rodrygo Goes oo afka hore ee weerarka kusoo bilowday, halka labada garabna ay ka dheelayaan Vinicius Junior iyo Federico Valverde..

Xiddiga reer Belgium ee Eden Hazard oo ciyaartii hore gool dhaliyey mid kalena caawiyey markii uu beddelay Benzema ayaa kaydka la dhigay, waxaana uu Ancelotti ka doortay saddexda ciyaartoy ee da’yarta ah ee Vinicius, Rodrygo iyo Valverde.

Advertisements

Khadka dhexe ayay dib ugu soo laabteen Luka Modric iyo Tchouameni oo la nasiyey ciyaartii horyaalka LaLiga ee Real Mallorca ee Sabtidii, waxaana kula soo bilowday Camavinga iyadoo Toni Kroos oo dedaal badan muujiyey kulankaas uu isaguna kaydka ku jiro.

Difaaca dhexe ayuu ciyaartii saddexaad oo xidhiidh ah kusoo bilowday Antonio Rudiger maadaama uu dhaawacan yahay Eder Militao, waxaanay iskaashanayaan David Alaba oo ay dhinacyada kasii xigaan Nacho Fernandez oo kasoo hormaray Ferland Mendy iyo Dani Carvajal.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Real Madrid XI: Thibaut Courtois, Dani Carvajal, Antonio Rudiger, David Alaba, Nacho Fernandez, Aurelien Tchouameni, Edouard Camavinga, Luka Modric, Fede Valverde, Vinicius Junior, Rodrygo Goes

Kaydka: Lunin, Luis López,  Jesus Vallejo, Eden Hazard, Toni Kroos, Marco Asensio, Alvaro Odriozola, Dani Ceballos, Ferland Mendy, Mariano Diaz.

Red Bull Leipzig XI: Gulacsi, Henrichs, Orban, Gvardiol, Raum, Kampl,Schlager, Nkunku, Szoboslai, Forsberg, Werner.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada