Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Shaxda Adag Ee Manchester United Kula Ciyaarayso Man City & Xiddigaha Uu Erik Ten Hag Ku Dagaallami Doono

by Abdiwahab Ahmed
September 30, 2022
0
Shaxda Adag Ee Manchester United Kula Ciyaarayso Man City & Xiddigaha Uu Erik Ten Hag Ku Dagaallami Doono

Cristiano Ronaldo ayaa kulankiisii labaad ee Premier League ah kusoo bilaaban doona xilli ciyaareedkan, marka ay kooxdiisu maalinta Axadda iska xaadiriso Etihad Stadium oo ay ugu tegayso Manchester City, kulan lagu tilmaamay mid ka mid ah ciyaarihii ugu waaweynaa ee Manchester United ee sannadkan.

ADVERTISEMENT

Red Devils ayaa waajihi doonta kooxda horyaalka difaacanaysa ee Man City oo xilli ciyaareedkan samaynaysa dhoolatus dhinaca gool-dhalinta ah oo uu hormood u yahay Erling Haaland, waxaanay ciyaartani imanaysaa iyadoo farqi shan dhibcood ah uu u dhexeeyo labada kooxood.

Pep Guardiola ayay kooxdiisu haysataa 17 dhibcood waxaanay ku jirtaa kaalinta labaad iyadoo hal dhibic ka hoosaysa Arsenal oo hoggaanka haysa, halka Manchester United ay shanaad fadhido oo ay leedahay 12 dhibcood.

Sancho Rashford

ADVERTISEMENT

Nasiin-darro, tababaraha cusub ee Manchester United ee Erik ten Hag waxa uu ka walaacsan yahay taam ahaanshaha weeraryahanka reer England ee Marcus Rashford oo uu shaki ku jiro in uu ciyaari doono kulankan, waxaana inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay haddana la sheegayaa in uu khatar geli doono haddii uu kusoo bilowdo.

Sidoo Kale Akhri

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

February 7, 2023
XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

February 7, 2023

Rashford oo xilli ciyaareedkan dib u helay ciyaartiisii wanaagsanayd isla markaana dhaliyey saddex gool, laba kalena caawiyey lix ciyaarood oo horyaalka ah oo uu dheelay, waxa uu la dhibaatoonayaa dhaawac muruqa ah, waana isla duruufta uu ku jiro Anthony Martial oo isaguna inkasta oo uu tababarka kusoo laabtay haddana aan wali taam ahaansho buuxa helin.

Erik ten Hag ayaa waxa uu maanta tababarka  kusoo dhoweeyey xiddiga 816-ka gool dhaliyey ee Cristiano Ronaldo oo ay u badan tahay in uu kusoo bilaaban doono afkahore ee weerarka, waxaana dhinacyada ka dheeli doona saxeexa cusub ee Antony iyo Jadon Sancho.

Lama-taabtaan waxa ahaan doona Bruno Fernandes oo khadka dhexe ah, waxaanay u badan tahay in uu Ten Hag kalsoonida siin doono Christian Eriksen iyo Scott McTominay oo ah labada ciyartoy ee inta badan xilli ciyaareedkan uu khadka dhexe kusoo wada bilaabay.

Tryell Malacia ayaa bandhig heersare ah ka samaynayay garoomada tana iyo markii ay Manchester United kala soo wareegtay Feyenoord, waxaanu sii wadan doonaa in uu booska ka xajisto Luke Shaw, halka Raphael Varane iyo Lisandro Martinez ay difaaca dhexe kusoo wada bilaaban doonaan iyadoo uu dhaawac soo gaadhay Harry Maguire oo marka horeba beddelka ku qornaa.

ADVERTISEMENT
Martinez iyo Varane ayaa uu sugayaa imtixaan adag oo ah inay xal u helaan khatarta Erling Haaland oo 11 gool oo horyaalka ah dhaliyey, balse waxay garab ka heli doonaan Diogo Dalot oo isaguna booska difaaca midig ka xoogsaday Aaron Wan-Bissaka iyo goolhaye David De Gea oo aan qayb ka ahayn kulamadii caalamiga ahaa ee xulka Spain.

Waa tan shaxda macquulka ah ee Manchester United ay kula ciyaari doonto Manchester City:

United

Share520Tweet325
ADVERTISEMENT

Related Posts

Waakan Xiddiga Liverpool Uga Dhaaratay Inuu Kooxdeeda Ka Baxo

Ololaha Nadiifinta Liverpool Oo Bilaabmay & Xiddiga Ugu Horreeya Ee Laga Fasaxay Anfield

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxda Liverpool ayaa la filayaa inay suuqa xagaaga soo socda dib u habayntii ugu weyneyd isku samayso iyadoo ciyaartoy badan...

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

XASAASI: Kooxaha Premier League Oo Isku Raacay Ciqaabta La Marinayo Man City Haddii Dambigu Ku Cadaado

by Apdihakem Omer Adam
February 7, 2023
0

Kooxaha horyaalka Premier League ayaa shaaca laga qaaday aragtida ay ka qabaan in kooxda Manchester City lagu soo oogay boqol...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.