Arsenal ayaa ciyaaraysa kulankeedii ugu dambeeyey sannadka 2022 iyaga oo waliba hoggaanka haya, waxayse mari doonaan imtixaan adag oo ay saadaaliyeyaasha kubadda cagta Ingiriisku sheegayaan inay ku dhici doonto Gunners.
Gunners oo shan dhibcood ku hoggaaminaysa horyaalka ayaa waxay Isniintii 3-1 kusoo karbaashtay West Ham United, iyaga oo waliba ka daba yimid rikoodhe ay Hammers kala hortay qaybtii hore.
Mikel Arteta ayaa waxa uu ka hor tegi doonaa Roberto De Zerbi oo si wanaagsan ula jaan-qaadday kooxdiisa markii uu ka beddelay Graham Potter, waxaana la filaa in Eddie Nketiah uu mar kale kusoo bilaaban doono weerarka dhexe maadaama uu dhaawac ku maqan yahay Gabriel Jesus.
Labada garab ee weerarka ayay kusoo bilaaban doonaan Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka, iyadoo lama taabtaan ay noqon doonaan saddexda khadka dhexe ee Granit Xhaka, Thomas Partey iyo Martin Odegaard, hase yeeshee difaaca ayaa la filayaa in isbeddel ku yimaaddo.
Gabriel Magalhaes iyo William Saliba waxay taam u yihiin inay boosaskooda xajistaan, waxaanu mar kale Mikel Arteta kusii wadi doonaa kalsoonida uu ku qabo oo aanu kala daadin doonin, halka difaaca midigna uu xajisan doono Ben White, hase yeeshee dhinaca bidix ayaa waxa dib ugu soo laaban doona Oleksandr Zinchenko oo beddeli doonaa Kiren Tierney.
Shaxda macquulka ah ee Arsenal kula ciyaari doonto Brentford