Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Shaxda Adag Ee Arsenal Kula Ciyaari Doonto West Ham & Sida Uu Arteta U Xallinayo Booska Gabriel Jesus

by Abdiwahab Ahmed
December 25, 2022
0
Shaxda Adag Ee Arsenal Kula Ciyaari Doonto West Ham & Sida Uu Arteta U Xallinayo Booska Gabriel Jesus

Kooxda kubadda cagta Arsenal ayaa Isniinta kusoo laaban doonta horyaalka ay shanta dhibcood ku hoggaaminayso ee Premier League kaddib lix toddobaad oo ay fasax kaga jirtay, waxaana ay garoonka Emirates Stadium ku qaabbili doontaa kooxda ay isku magaalada yihiin ee West Ham United.

ADVERTISEMENT

Gunners ayaa siddeed dhibcood ku qaban doonta hoggaanka haddii ay ka adkaato kooxda ay deriska yihiin maadaama Man City oo labaad ku jirtaa ay Arbacada ciyaarayso.

Tababare Mikel Arteta ayaa madax-xanuun kula soo noqonaya horyaalka, waxaana uu haystaa mushkilad weyn oo aanu haysanin xilligii loo baxayay fasaxa Koobka Adduunka.

Xiddiga Brazil ee Gabriel Jesus ayaa  kusoo dhaawacmay Koobka Adduunka, waxaana qalliin lagaga sameeyey jilibka uu ku maqnaan doonaa illaa bisha March, waxaana xal u baahan xiddiga beddelaya.

ADVERTISEMENT

Intii lagu maqnaa Koobka Adduunka waxay Arsenal dib u heshay xiddiga da’da yar ee England ee Smith Rowe oo muddo dheer dhaawac ku maqnaa, waxaana uu noqon doonaa xalka mushkiladda dhaawaca ee Jesus. Arteta ayaa laga yaabaa inuu weerarka dhexe ka ciyaarsiisyo Gabriel Martinelli, garabka bidixna geeyo Smith-Rowe.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Wargeyska The Sun ayaa saadaaliyey in Martinelli uu kusoo bilaaban doono weerarka dhexe, isla markaana uu isbeddel ku iman doono qaabkii kooxdu ku ciyaari jirtay ee 4-3-3 oo ay u guuri doonaan 4-2-3-1.

Shaxda macquulka ah ee Arsenal kula ciyaari doonto West Ham

Arsenal XI: Ramsdale; White; Saliba; Gabriel Tierney; Xhaka, Partey, Odegaard; Smith Rowe, Saka; Martinelli.

Arsenal XI1

ADVERTISEMENT
Share416Tweet260
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.