Garoonka King Fahd Stadium ee magaalada Riyadh ee waddanka Sucuudiga ayay ku sugan yihiin ciyaartoyda Real Madrid iyo Valencia oo ku dagaallamaya midkooda u gudbaya finalka Spanish Supercup, waana ciyaar kulminaysa macallin iyo ardaygiisii oo ah Carlo Ancelotti iyo Gennaro Gattuso oo uu sannado badan soo laylinayay.
Anacelotti ayay caawa u buuxsameen 200 ciyaarood oo uu tababare u ahaa Real Madrid, waxaana uu sameeyey isbeddello isaga oo kaydka dhigay ruug-caddaaga Luka Modric iyadoo khadka dhexe ay ka ciyaarayaan Edouardo Camavinga oo beddelay xiddiga dhaawaca ah ee Aurelien Tchouameni, Fede Valverde oo ka dheelaya booskii Modric iyo Toni Kroos.
Weerarka ayay Karim Benzema ku wehelinayaan labada da’yar ee reer Brazil ee Rodrygo Goes iyo Vinicius Junior, halka difaaca bidixna la geeyey Nacho Fernandez oo beddelay Ferland Mendy oo uu Ancelotti saluugay qaab-ciyaareedkiisa, halka Militao iyo Rudiger ay difaaca dhexe ka wada dheelayaan maadaama uu dhaawac ku maqan yahay David Alaba.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Real Madrid XI: Courtois, Vazquez, Rudiger, Militao, Nacho, Camavinga, Valverde, Kroos, Rodrygo, Vinicius, Benzema.
Kaydka: Lunin, Luis López, Carvajal, Vallejo, Eden Hazard, Luka Modrić, Marco Asensio, Dani Ceballos, Ferland Mendy, Mariano Diaz iyo Mario Martin.
Valencia XI: Mamardashvili; Thierry, Cenk, Cömert, Gayà; Musah, Almeida, Lino, Lato; Kluivert iyo Cavani.