Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Manchester United vs Everton – Ten Hag Oo Hubkiisa Culus Soo Qaddimay

by Abdiwahab Ahmed
January 6, 2023
0
Shaxaha Rasmiga Ah Ee Manchester United vs Everton – Ten Hag Oo Hubkiisa Culus Soo Qaddimay

Manchester United ayaa garoonkeeda Old Trafford ku martigelinaysa naadiga mushkiladda badan ku jira ee Everton wareegga saddexaad ee FA Cup, waxaana uu Erik ten Hag muujiyey sida ay uga go’an tahay in uu ku tartamo dhamaan tartamada, isaga oo kusoo bilaabay shax adag.

ADVERTISEMENT

Everton oo ku jirta khadka cas ee horyaalka Premier League ayaa iyaduna  u baahan guul si ay u badbaadiyaan tababare Frank Lampard oo toddobaadkii hore ay warbaahintu sheegtay in la qoray warqaddiisa shaqo ka caydhinta, laakiin ku badbaaday barbarrihii Man City.

Erik ten Hag ayaa kusoo galay shax adag, waxaana uu kusoo bilaabay Marcus Rashford, Anthony Martial iyo Antony oo afka hore ee weerarka ka wada ciyaaraya, halka khadka dhexena ay Bruno Fernandes, Christian Eriksen iyo Casemiro ka wada dheelayaan.

Difaaca ayaa uu Eriksen isbeddel ku sameeyey, waxaana uu difaaca dhexe uu ka wada ciyaarsiiyey Raphael Varane iyo Luke Shaw halka ay dhinacyadana ka xigaan Diogo Dalot iyo Tyrell Malacia.

ADVERTISEMENT

Kaydka ayaa lagu illoobay Lisandro Martinez oo waqti fasax ah ku maqnaa markii uu xulkiisu ku guuleystay Koobka Adduunka, waxa se isbeddellada difaacu ay bahdilaad ku tahay Harry Maguire iyo Victor Lindelof oo kaydka la fadhiyda Wan-Bissaka, Fred, MacTominay, Elanga iyo Garnacho.

Sidoo Kale Akhri

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

February 7, 2023
Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Manchester United XI: De Gea, Dalot, Varane, Shaw, Malacia, Casemiro, Eriksen, Fernandes, Antony, Rashford, Martial.

Kaydka: Heaton, Lindelof, Maguire, Martinez, Wan-Bissaka, Fred, McTominay, Elanga, Garnacho.

Eeverton XI: Pickford, Coleman, Godfrey, Coady, Tarkowski, Mykolenko, Onana, Gana, Iwobi, Gray, Maupay

Kaydka: Begovic, Holgate, Mina, Doucoure, Davies, Simms, McNeil, Gordon, Calvert-Lewin.

ADVERTISEMENT
Share268Tweet168
ADVERTISEMENT

Related Posts

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

DEG-DEG: Manchester City Oo Loo Diiday In Ay Xataa Heerka Labaad Ka Ciyaarto & Burburka Ay Waajahayso Kooxdu

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Horyaalka heerka labaad ee Ingiriiska ee Championship ayaa go'aansaday inay iska diidaan in Manchester City ay ka  ciyaarto haddii laga...

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.