Manchester United ayaa 38 maalmood kaaddib ciyaaraysa kulankeedii ugu horreeyey kaddib fasax dheer oo uu sababay Koobka Adduunka ee Axaddii lasoo gabogabeeyey. Erik ten Hag ayay kooxdiisu qaabbilaysaa Burnley oo wareegga afraad ee Carabao Cup ay ku kala bixi doonaan.
Red Devils oo haddii ay guuleysato ka mid noqon doonta siddeedda kooxood ee wareegga xiga iska xaadirinaya, ayaa waxa uu Erik ten Hag kusoo bilaabay laba ciyaartoy oo ay taageereyaasha muddo dheer ugu dambaysay.
Goolhaye Dubravka ayaa beddelay David de Gea oo kursiga kaydka kusoo bilowday, waxaase weerarka hoggaaminaya Anthony Martial oo kasoo kabtay dhaawac, Marcus Rashford iyo Garnacho.
Khadka dhexe ayuu kubbad-burburiyaha Brazil ee Casemiro kala ciyaarrayaa Christian Eriksen iyo Bruno Fernandes, waxaanay taasi muujinaysaa in Erik ten Hag ay ka go’an tahay inuu ku guuleysto tartanka Carabao Cup.
Difaaca dhexe ayaa waxa la geeyey Scott McTominay oo ka garab ciyaaraya Victor Lindelof maadaama ay maqan yihiin Varane, Lisandro Martinez iyo Harry Maguire, waxaana dhinacyada ka xiga Tyrell Malacia iyo Aaron Wan-Bissaka.
Shaxaha rasmiga ah ee Man United vs Burnley
Man United XI: Dubravka, Wan-Bissaka, Lindelof, McTominay, Malacia, Casemiro, Eriksen, Fernandes, Rashford, Garnacho, Martial.
Kaydka: De Gea, Bennett, Shaw, Williams, Fred, Van De Beek, Antony, Elanga, Pellistri.
Your Clarets team to take on Manchester United tonight 👊 #ClassicFootballShirts | #MUNBUR | #CarabaoCup pic.twitter.com/ANkMo4ymmu
— Burnley FC (@BurnleyOfficial) December 21, 2022