Manchester City ayaa garoonkeeda Etihad Stadium ku qaabbilaysa Liverpool kulan wareegga shanaad ee Carabao Cup ah oo midkood uu wareegga siddeedda ku tegi doono.
Pep Guardiola ayaa kusoo bilaabay shax adag oo ay hoggaaminayaan Erling Haaland iyo Riyad Mahrez, sidoo kalena ay khadka dhexe u taagan yihiin Kevin de Bruyne iyo Ilkay Gundogan, balse weerarka uu ku jiro da’yarka Palmer.
Man City oo ay ka go’an tahay inay u gudubto wareegga siddeedda ayaa waxa difaaca dhexe uga ciyaaraya AYmeric Laporte iyo Ake, halka labada dhinacna ay kalajoogaan Akanji iyo Lewis oo uu kasii horreeyo Rodrigo.
Kaydka ayay sidoo kale u fadhiyaan ciayartooyo waaweyn sida Stones, Walker, Cancelo, Grealish, Bernardo iyo Foden oo dhamaantood diyaar u ah inay beddel kusoo galaan qaybta dmabe.
Dhinaca kale, Jurgen Klopp ayaa kusoo bilaabay Mohamed Salah, DarwinNunez iyo Fabio Carvalho, halka khadka dhexena ay ka wada ciyaarayaan Harvey Elliott, Thiago Alcantara iyo Bajcetic.
Difaaca ayay wada taagan yihiin Joe Gomez, Joel Matip, Andy Robertson iyo James Milner, halka Kelleher uu isaguna goolka hayo.
Kaydka Liverpool ayay ku jiraan Fabinho, Keita, Henderson, Chamberlain, Tsimikas iyo Ramsy.
Shaxaha rasmiga ah ee Man City vs Liverpool
Man City XI: Ortega, Lewis, Akanji, Laporte, Ake, Rodrigo, De Bruyne, Gundogan, Mahrez, Haaland, Palmer.
Kaydka: Carson, Walker, Stones, Cancelo, Grealish, Gomez, Bernardo, Foden, Robertson.
Liverpool XI: Kelleher; Milner, Gomez, Matip, Robertson; Bajcetic, Thiago, Elliott; Carvalho, Salah, Nunez
Kaydka: Adrian, Fabinho, Keita, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Tsimikas, Ramsay, Phillips, Doak