Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

Shaxaha Rasmiga Ah Ee Liverpool vs Chelsea – Klopp Oo Kaydka Dhigo Hendo, Arnold, Matip Iyo Xiddigo Waaweyn Halka Potter Oo Samirka Barayo Mudryk

by Abdiwahab Ahmed
January 21, 2023
0
HORDHAC: Liverpool v Chelsea – Reds Iyo Blues Oo Xaalado Adag Iskula Ciyaaraya, Fursada Mudryk, Shaxaha & Xogaha Kulankan

Waxay ahaayeen laba kooxood oo ku tartamaya horyaalka, laakiin maanta waa ay ceebaysan yihiin waxaanay ku dagaallamayaan badhtamaha miiska kala-sarraynta iyadoo ciyaartoydoodu ay hadda ku sugan yihiin garoonka Anfield oo midkooda laga adkaado uu hoos usii degi doono.

ADVERTISEMENT

Liverpool ayaa garoonkeeda ku qaabbilaysa Chelsea, waxaana uu tababare Jurgen Klopp dib u helay Darwin Nunez oo uu kaydka kusoo bilaabay maadaama uu dhaawac kasoo noqday. Waxa sidoo kale fadhiya Alexander-Arnold, Joel Matip, Jordan Henderson, Fabinho iyo Oxlade-Chamberlain, iyadoo waliba ay dhaawac ku maqan yihiin xiddigo waaweyn.

Klopp ayaa kusoo bilaabay Cody Gakpo iyo Mohamed Salah oo afka hore ka wada ciyaaraya, halka khadak dhexena ay wada taagan yihiin Naby Keita, Harvey Elliott, Bajcetic iyo Thiago Alcantara.

Waxa kale oo uu isbeddel ku yimid diifaaca oo ay Ibrahima Konate iyo  Joe Gomez wada taagan yihiin iyadoo ay dhinacyadana ka xigaan James Milner iyo Andy Robertson.

ADVERTISEMENT

Chelsea ayaase kusoo gashay shax xooggan, inkasta oo ciyaartooyo waaweyn ay kaydka kasoo muuqdaan. Saxeexii cusbaa ee Mykhailo Mudryk ayaa kaydka fadhida, sidoo kalena Azpicueta iyo Koulibaly ayaa iyaguna kaydka kasoo muuqda.

Sidoo Kale Akhri

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

January 30, 2023
Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

January 30, 2023

Weerarka Chelsea ayay ka wada ciyaarayaan Kai Havertz iyo Hakim Ziyech oo uu caawinayo Mason Mount, halka khadka dhexena ay is-garab taagan yihiin Jorginho, Gallagher, Marc Cucurella iyo Hall.

Difaaca dhexe ayay saddex ciyaartoy ka wada dheelayaan, waana Badiashile, Thiago Silva iyo Chalobah.

Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood

Liverpool XI: Alisson, Gomez, Konate, Thiago, Milner, Keita, Salah, Gakpo, Elliott, Robertson, Bajcetic.

Kaydka: Kelleher, Fabinho, Henderson, Oxlade-Chamberlain, Jones, Tsimikas, Nunez, Matip, Alexander-Arnold.

Chelsea XI: Arrizabalaga, Badiashile, Jorginho, Silva, Chalobah, Mount, Ziyech, Gallagher, Havertz, Cucurella, Hall.

Kaydka: Bettinelli, Aubameyang, Loftus-Cheek, Mudryk, Koulibaly, Fofana, Azpilicueta, Chukwuemeka, Humphreys.

ADVERTISEMENT
Share278Tweet174
ADVERTISEMENT

Related Posts

DULMI: Dunida Oo La Yaabban Dulmiga Iyo Mushahar La’aanta Ay Brighton Ku Samaysay Moises Caicedo

Arsenal Oo Dalab Labaad Ka Gudbisay Moises Caicedo & Brighton Oo Ka Soo Jawaabtay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Kooxda Arsenal ayaa caawa gudbisay dalabkii labaad ee ay ku doonayeen xiddiga khadka dhexe ee kooxda Brighton Moises Caicedo. Gunners...

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

Real Madrid Oo Lagu Dhegay, Rajadoodii Horyaalka Oo La Wiiqay & Goolhaye Remiro Oo Wacdarro Dhigay

by Saed Mohamed
January 30, 2023
0

Real Sociedad ayaa garoonka Santiago Bernabeu kala baxsatay dhibic muhiim ah, waxayna seddex dhibcood ka danbeeyaan Real Madrid kala sareynta...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.