Finalka Koobka Adduunka ayaa lagu ciyaarayaa garoonka Lusail Stadium, waana maalintii ugu dambaysay ee tartanka lasoo gabogabaynayo.
Lionel Scaloni ayaa isbeddello ku sameeyey xulka qaranka Argentina, waxaana uu kusoo bilaabay xiddiga khibradda badan ee Angel di Maria oo khadka dhexe kula soo bilowday Mac Allister, De Paul iyo Enzo Fernandez.
Weerarka ayaa waxa ku kaliyaystay labada xiddig ee sida joogtada ah ugu soo bilaabanayay ee Lionel Messi iyo Julian Alvarez, halka difaacana ay wada taagan yihiin Tagliafico, Otamendi, Romero iyo Milina, halka Lautaro Martinez iyo Lisandro Martinez ay kaydka fadhiyaan.
Didier Deschamps ayaa isaguna waxa uu weerarka kusoo bilowday Olivier Giroud oo kasoo kabtay dhaawac fudud oo kasoo gaadhay ciyaartii Morocco, waxaana uu ka garab ciyaarayaa Kylian Mbappe iyo Ousmane Dembele.
Sidoo kale, khadka dhexe ayuu dib ugu soo laaabtay Adrien Rabiot oo taam ka noqday caabuqa geela oo ku dhacay, isla markaana uu ku seegay ciyaartii Morocco, waxaana garbihiisa taagan Antoine Griezmann iyo Aurelien Tchouameni.
Difaaca dhexe ayaa waxa sidoo kale kusoo laabtay Upamecano oo ahaa ciyaartoygii koowaad ee caabuqu ku dhacay, waxaanay is-garab taagan yihiin Raphael Varane oo isaganauu xanuunku ku dhacay.
Shaxaha rasmiga ah ee Argentina vs France
France XI: Lloris, Kounde, Varane, Upamecano, Hernandez, Griezmann, Tchouameni, Rabiot, Dembele, Mbappe, Giroud
Kaydka: Pavard, Disasi, Guendouzi, Muani, Veretout, Mandanda, Saliba, Coman, Areola, Camavinga, Thuram, Konate, Fofana
Argentina XI: Martinez, Molina, Romero, Otamendi, Tagliafico, De Paul, Fernandez, Mac Allister, Messi, Di Maria, Alvarez
Kaydka: Armani, Foyth, Pezzella, Rulli, Palacios, Correa, Almada, Gomez, Dybala, Jeremias, Lisandro Martinez, Paredes
shaxdaan waxaa ka maqan MArcos Acuna oo labo jaale ku maqnaa ciyaartii croatia ma idinka ka soo tagay mise ma fahmin