Erik ten Hag waxa uu saddex isbeddel ku sameeyey shaxdii uu horraantii usbuucan ku garaacay Manchester City, waxaana kulankiisii koowaad kusoo bilowday saxeexa cusub ee Wout Weghorst. Sidoo kale, Lisandro Martinez ayaa dib ugu soo noqday safka halka uu Luke Shaw difaaca bidix ka riixday Tyrell Malacia.
Casemiro oo haddii uu kaadh huruud ah qaato seegi doona ciyaarta Arsenal ee Axadda ayuu Erik ten Hag ku khamaaray, waxaanu khadka dhexe kala ciyarayaa Christian Eirksen iyo Bruno Fernandes balse Wout Weghorst ayaa booska kala baxay Antony iyadoo uu weerarka kula soo bilowday Anthony Martial iyo Marcus Rashford.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Crystal Palace XI: Guaita, Clyne, Richards, Guehi, Mitchell, Doucoure, Hughes, Olise, Edouard, Zaha, Mateta.
Kaydka: Johnstone, Ward, Milivojevic, Tomkins, Ayew, Eze, Schlupp, Riedewald, Ozoh.
Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Varane, Martinez, Shaw, Casemiro, Eriksen, Fernandes, Antony, Rashford, Weghorst.
Kaydka: Heaton, Lindelof, Maguire, Malacia, Fred, Pellistri, Elanga, McTominay, Garnacho.