Graham Potter ayaa shan isbeddel ku sameeyey shaxdii uu Khamiistii kula ciyaaray Fulham ee guul-darrada 2-1 ah soo hoysay, waxaana ciyaartiisii koowaad ee Chelsea kusoo bilowday Carney Chukwuemeka oo xgaagii uga soo wareegay Aston Villa, halka daafaca reer France ee Benoit Badiashile ee maalmo ka hor ay la saxeexdeen uu isaguna difaaca dhexe ka beddelay Kalidou Koulibaly.
Lewin Hall ayaa sii wata inuu isku muujiyo difaaca, waxaana sidoo kale kusoo bilowday Conor Gallagher, Jorginho iyo Hakim Ziyech, halka kaydka loo diray kabtan Cesar Azpilicueta, Kalidou Koulibaly iyo Mateo Kovacic. Waxa kale oo Chelsea ka maqan saxeexooda cusub ee Joao Felix oo ay u bilowdeen saddex ciyaarood oo ganaax ah. Denis Zakaria ayaa isaguna dhaawac ah.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Crystal Palace: Kepa; Chalobah, Silva, Badiashile; Gallagher, Mount, Jorginho, Chukwuemeka, Hall; Ziyech, Havertz.
Kaydka: Bettinelli, Kovacic, Aubameyang, Loftus-Cheek, Koulibaly, D. Fofana, Azpilicueta, Cucurella, Humphreys.
Crystal Palace XI: Guaita; Clyne, Andersen, Guehi, Mitchell; Schlupp, Doucoure, Eze; Olise, Ayew, Zaha.
Kaydka: Johnstone, Ward, Milivojevic, Tomkins, Mateta, Hughes, Edouard, Richards, Ozoh.