Kooxda kubadda cagta Tottenham ayaa ku sugan garoonka Gtech Community Stadium oo ay marti ugu tahay kooxda ay isku magaalada yihiin ee Brentford kulanka koowaad ee dib loogu furayo horyaalka Premier League oo muddo lix usbuuc ah xidhnaa.
Tottenham ayaa kaalinta saddexaad kala bixi doonta Newcastle United oo dhibic kaliya ka horreysa, waxaanay la sinmi doontaa Manchester City oo labaad ku jirta oo saddex dhibcood ka horreysa.
Antonio Conte ayaa shax adag kusoo bilaabay ciyaartan, waxaana uu markii ugu horreysay kusoo bilaabay Japhet Tanganga oo ay u tahay ciyaartiisii koowaad ee Premier League ee uu u safto Spurs tan iyo bishii January. Waxa kale oo khadka dhexe kusoo bilowday Yves Bissouma oo beddelay Rodrigo Bentancur oo dhaawac ku maqan.
Matt Doherty ayaa isagana laga doorbiday Emerson Royal oo difaaca midig ka ciyaaraya, hase yeeshee weeraryahanka Brazil ee Richarlison oo dhaawac ah ayaa waxa uu fursad siiyey Son oo weerarka kula soo bilowday Kane.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Tottenham XI: Forster, Tanganga, Lenglet, Dier, Doherty, Hojbjerg, Bissouma, Perisic, Kulusevski, Kane, Son.
Kaydka: Lloris, Sanchez, Sarr, Davies, Royal, Sessegnon, White, Skipp, Gil.
Brentford XI: Raya; Zanka, Mee, Pinnock; Roerslev, Norgaard, Jensen, Janelt; Henry; Toney, Mbeumo.
Kaydka: Cox, Goode, Canos, Dasilva, Wissa, Ghoddos, Jansson, Lewis-Potter, Damsgaard.