Arsenal oo doonaysa inay toban dhibcood ku qabato hoggaanka horyaalka Premier League ayaa garoonkeeda Emirates Stadium kusoo dhoweynaysa Newcastle United oo kaalinta saddexaad kaga jirta horyaalka Premier League, waxaana uu Mikel Arteta kusoo bilaabay shax adag oo uu rumaysan yahay in saddexda dhibcood ay u go’aamin karayaan.
Weerarka ayay kusoo wada bilowdeen saddexda ciyaartoy ee Eddie Nketiah, Gabriel Martinelli iyo Bukayo Saka, waxaana sidoo kale boosaskooda xajistay dhamaan xiddigihii kulankii ugu dambeeyey ee Brighton sida adag u dagaallamay.
Khadka dhexe ayay ka ciyaarayaan Martin Odegaard, Thoms Partey iyo Granit Xhaka, halka difaacana ay wada taagan yihiin William Saliba, Gabriel Magalhaes, Ben White iyo Oleksandr Zinchenko.
Xiddiga khadka dhexe ee Emile Smith-Rowe oo liiska kooxda lagu soo daray ayaa laga reebay waqti dambe maadaama taam ahaanshihiisa aanu Arteta ku qanacsanayn, waxaana kaydka fadhiya Tirney, Holding, Tomiyasu, Vieira, Lokonga, Elneny, Marquinhos iyo xiddiga da’yarta looga yeedhey ee Butler-Oyedeji.
Dhinaca kale, Eddie Howe ayaa shax adag kusoo bilaabay shaxdiisa Newcastle, waxaana weerarka hoggaaminaya Joelington, Wilson iyo Almiron oo ay khadka dhexe ka caawinayaan Bruno Guimaraes, ,ongstaff iyo Willock, halka difaacana uu safay Botman, Schar, Burn iyo Trippier.
Shaxaha rasmiga ah ee labada kooxood
Arsenal XI: Ramsdale, White, Saliba, Gabriel, Zinchenko, Xhaka, Partey, Saka, Odegaard, Martinelli, Nketiah.
Kaydka: Turner, Tierney, Holding, Tomiyasu, Vieira, Lokonga, Elneny, Marquinhos, Butler-Oyedeji.
Newcastle XI: Pope, Trippier, Botman, Schar, Burn, Willock, Longstaff, Guimaraes, Almiron, Wilson, Joelinton.
Kaydka: Dubravka, Lascelles, Lewis, Manquillo, Anderson, Ritchie, Murphy, Saint-Maximin, Wood.