Manchester United oo doonaysa inay hore ugu ruqaansato kaalinta saddexaad ee miiska kala-sarraynt ayaa waxay garoonkeeda Old Trafford kusoo dhoweynaysaa Bournemouth, iyaga oo dhinaca kalena ku ducaysanaya in Arsenal ka adkaato Newcastle.
United ayaa hal dhibic dhaafi doonta oo saddexaad ku fadhiisan doonta haddii ay guul-darraysato Newcastle oo caawa marti u ah Arsenal, waxaana uu Erik ten Hag sameeyey isbeddello isaga oo dib usoo celiyey labada difaac ee Victor Lindelof iyo Harry Maguire, iyadoo kaydka uu kujiro Lisandro Martinez oo kasoo laabtay fasaxii Koobka Adduunka.
Afar isbeddel oo uu sameeyey Ten Hag ayaa waxa ku jira Donny van de Beek oo kusoo bilowday, Maguire oo beddelay Varane iyo Lindelof oo dhinaca bidix u riixay Shaw oo isaguna meesha ka saaray Tyrell Malacia.
Lisandro Martine, Diogo Dalot iyo Scott McTominay ayaa kaydka ku jira, halka weerarka ay wada hoggaaminayaan Marcus Rashford iyo Anthony Martial, waxaana uu khadka dhexe la xoojinayaa Casemiro, Eriksen iyo Fernandes.
Shaxaha rasmiga ah ee Manchester United vs Bournemouth
Manchester United XI: De Gea, Wan-Bissaka, Lindelof, Maguire, Shaw, Casemiro, Eriksen, Van de Beek, Fernandes, Rashford, Martial.
Kaydka: Heaton, Martinez, Malacia, Fred, Varane, Dalot, Elanga, McTominay, Garnacho.
Bournemouth XI: Travers, Cook, Kelly, Mepham, Lerma, Solanke, Christie, Smith, Senesi, Billing, Anthony.
Kaydka: Plain, Stephens, Rothwell, Stacey, Lowe, Dembele, Moore, Pearson, Zemura.