Horyaalka Serie A ayaa sharciyo cusub soo kordhin doona sannadka danbe iyagoo mamnuucay isticmaalka maaliyadaha ama garamada qaar.
Sharciga cusub wuxuu kooxaha ka horistaagayaa inay maaliyadahooda martida ka dhigaan midabka cagaarka ah, halka sidoo kale kooxaha lagu xadidayo in hal maaliyad ay naqshad xariiqmo ah yeelato.
Go’aanka sharciyadaan cusub looga hirgelinayo horyaalka Talyaaniga ayaa ka danbeysay ka dib cabasho ka timid shirkadaha xayaysiinta iyo weliba TV-yada baahiyaha horyaalka.
Inta ay ciyaaraha socdaan, ciyaartoyda qaar ee xiran maaliyad cagaar ah waxay noqdaan kuwa aan laga arki karin tv-ga.
Kooxaha waxaa sidoo kale lagu amray in naqshadooda maaliyadaha martida inay ka duwanaato tan maaliyadooda 1aad ama minanka ah.
Haddii maaliyada koowaad ay tahay mid mugdi ama madow, maaliyada martida waa inay noqoto midab iftiin ah.
Haddii maaliyada koowaad ama minanka ay leedahay naqshad xariiqmo, maaliyada martida ma yeelan karto naqshad la mid ah.
Sharciga waxa uu dhaqan galayaa xilli ciyaareedka soo socda ee 2023-24, laakiin waxaa qasab laga dhigayaa xilli ciyaareedka 2024-25.
Midabka cagaaran waa loo ogol yahay inay noqoto maaliyadaha 1aad ama tan minanka, sidaasi darteed kooxda Serie A ka dhisan ee Sassuolo waa ay sii heysanayaan maaliyadooda cagaaran ee dhaqanka u ah.
Kooxo badan ayaa naqashad xariiqmo u yeela maaliyadooda sida AC Milan, Inter Milan iyto Juventus laakiin lagama ogolaan doono inay maaliyadooda martida sidaas u nashqadeeyaan.
Sharciyada cusub ayaa sidoo kale dhigay inay qasab tahay in goolhaye seddex maaliyad oo kala duwan loo sameeyo xilli ciyaareedkii si looga fogaado inay midabkiisa uu la mid noqdo kooxda uu ka soo horjeedo.
Sharciyadaan waxaa la isku dayay sannadkii 2021kii laakiin ma aysan guuleysanin.