Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Wararka Ciyaaraha

SHARCIGA RONALDO!! Man United Oo Samaysay Sharci Uu Sababay Ronaldo & Laacibka Ugu Horreeya Ee Uu Qabanayo

by Apdihakem Omer Adam
January 8, 2023
0
CAJIIB: Halkan Ka AKHRISO SHAN Amar Oo Uu Erik Ten Hag Xeer Uga Dhigay Xiddigaha Dib Loo Carbinayo Ee Man United

Man United ayay warar cusubi sheegayaan inay samaysay wax lagu magacaabay sharciga Ronaldo oo xadidaya mushaharaadka xiddigaha kooxdeeda.

ADVERTISEMENT

Manchester ayaa mushaharka ugu macquulsan ee ay hadda kaddib bixin doonto ka dhigtay 200,000 oo pound toddobaadkii iyadoo ciyaaryahanka ugu horreeya ee uu saamaynayaa uu noqon doono goolhaye David De Gea.

Heshiiska uu De Gea ku qaato 375,000 oo pound toddobaadkii ayaa ah mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan waxaana ay kooxdu miiska u saaraysaa mid mushahar dhimis weyn lagu sameeyay oo uu saxeexi doono amaba kooxda ka bixi doono.

Mushahar bixinta Man United ayaa laga badalayaa habkii maamulkii hore ee uu Ed Woodward hoggaaminayay markaas oo aysan kooxdu lahayn siyaasad xaga mushaharaadka ah.

ADVERTISEMENT

Manchester ayaa lagu sifayn karaa kooxda ugu nidaamka xun kooxaha waaweyn xaga mushaharka waxaana tusaale u ah Ronaldo (500,000 oo pound toddobaadkii) Jadon Sancho (350,000), Marcus Rashford (300,000) Anthony Martial (250,000) iyo kuwo kale oo badan.

Sidoo Kale Akhri

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

February 7, 2023
Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

February 7, 2023

Tababaraha haatan ee Erik Ten Hag oo qas hore oo badan saxaya isla markaana kaashanaya Richard Arnold iyo John Murtough ayaa kahor tagaya waxa lagu magacaabo “Masayrka/Hinaasaha qolka labiska” ee mushaharku sababo.

Xiddigaha waaweyn ee Manchester haatan jooga sida Bruno Fernandes, Harry Maguire iyo Raphael Varane ayaa isku mushahar dhaw iyagoo u dhaxeeya 180,000 ilaa 200,000 oo pound toddobaadkii.

Sababta sharcigan loogu magacaabay sharciga Ronaldo ayaa ah inay Red Devils diidayaan hal ciyaartoy oo saa’id uga mushahar badan xiddigaha kale ee kooxda.

Will De Gea get a new Man Utd contract? Goalkeeper wants to stay at Old  Trafford for 'more years' as he enters final months of current deal |  Goal.com Nigeria

ADVERTISEMENT
Share423Tweet265
ADVERTISEMENT

Related Posts

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

Manchester United Oo Toddobaadkan Samaynaysa Arrin Ay Ugu Dambaysay 56 Sannadood Ka Hor

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Manchester United ayaa laba jeer la ciyaari doonta Leeds United  toddobaad gudihii, iyadoo la ogyahay xafiiltanka taariikhiga ah ee u...

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

Tababaraha Ay Liverpool Ku Beddelayso Jurgen Klopp Oo La Magacaabay Xilli Xaaladda Kooxdu Liidato

by Abdiwahab Ahmed
February 7, 2023
0

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa ku jirta xaalad xun oo gaadhsiisay in wax la iska weydiiyo mustaqbalka tababare Jurgen Klopp...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.