Kooxda kubadda cagta Liverpool ma awoodi doonto in ay bishan January la saxeexato xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Wolves ee Matheu Nunes oo la sheegay in tababare Jurgen Klopp uu doonayo inuu la saxeexdo, si uu ugu xalliyo mushkiladda khadka dhexe ee kooxdiisa.
Sharci dhif iyo naadir ah oo aanay dadku aad ula soconin oo FIFA u dejisan ayaa u diidi doona Liverpool inay laacibkan la saxeexato.
Guul-darradii Liverpool kala soo kulantay Brentford Isniintii ayaa la sheegay in ay raadinayso ciyaartoy khadka dhexe ah, maadaama ay dhibaatada afka hore ee weerarka ku xalliyeen Cody Gakpo oo ay kala soo wareegeen PSV Eindhoven ayaa waxa uu sharcigu u diidi doonaa in ay la saxeexato Nunes.
Xiddiga reer Brazil ee Arthur Melo oo ay Liverpool amaah kaga soo qaadatay Juventus xagaagii ayaan wali la hubin waqtiga uu soo laaban doono iyadoo lagu sameeyey qalliin uu muddo ku maqnaanayo, halka ay xor ka noqonayaan xagaaga James Milner, Naby Keita iyo Oxlade-Chamberlain, iyadoo ay sii gaboobayaan Jordan Henderson, Thiago Alcantara iyo Fabinho.
Sida uu qoray wargeyska Telegraph, Liverpool ayaa doonaysa Nunez oo Wolves ay bishii August ee sannadkii tegay £44 milyan oo Gini kusoo iibsatay, laakiin looma ogolaan doono inay laacibkan uu u wareego bishan January, sida uu dhigayo sharciga aan aadka loola soconin ee FIFA.
Nunes oo laba ciyaarood oo horyaalka Primeira Liga ah usoo ciyaaray Sporting Lisbon ka hor intii aanu usoo wareegin Wolves, ayaa uu sharcigu u diidayaa inuu koox saddexaad u ciyaaro hal-xilli ciyaareed gudihii.
Sharcigu ma ogola in ciyaartoygu uu wax ka badan laba kooxood u ciyaaaro xilli-ciyaareed gudihii, waana sababta aanay Liverpool u awoodi doonin inay hesho xiddiga reer Portugal.