Ciyaartoyda Arsenal iyo Tottenham ayaa doorbiyada inay casaan qaataan bedelkii kaadh hurdi ah la siin lahaa kulamada ay ciyaarayaan caawa iyo habeen danbe, si aysan u seegin kulanla London Derby ee 15ka Janaayo.
Xiddigaha sida Bukayo Saka, William Saliba iyo Harry Kane ayaa midkiiba wuxuu qabaa afar kaadh oo hurdi ama jaale ah horyaalka xilli ciyaareedkan.
Waxay taasi la micno tahay in haddii Saka ama Saliba ay caawa kaadh kale oo hurdi ah qaataan kulanka Newcastle ama Harry Kane uu kaadh hurdi ah qaato kulanka Crystal Palace ee habeen danbe inay keeni doonto inay seegaan kulankooda xiga ee horyaalka oo ah North London Derby oo la ciyaarayo 15ka Janaayo.
Sharciga ayaa ah in haddii ciyaaryahan ay u uruurto shan kaadh oo hurdi ama jaale ah inuu hal kulan ganaax ku maqnaanayo horyaalka.
Si kastaba, haddii casaan ay qaataan kulanka caawa ama kan habeen danbe, markaas ganaaxooda halka kulan wuxuu noqonayaa kulanka wareega 3aad ee FA Cup ee la dheelayo todobaadka soo socda oo looma sugayo kulanka xiga ee horyaalka.
Tottenham waxay martigelin doontaa Portsmouth Sabtida ka hor inta aysan Arsenal u safrin Oxford Isniinta.
Sidaasi darteed haddii Saka, Saliba ama Kane ay kaadh hurdi ah qaataan dhamaadka kulamada Newcastle iyo Crystal Palace waxay dooran karaan inay casaan qaataan si aysan u seegin kulanka North London Derby.
Laakiin haddii ay si ku talogal ah u qaataan casaan, waxay iyadana keeni doontaa ganaax dheeri ah oo sababi karta in dhowr kulan la ganaaxo.