Xulka South Korea ayaaa si lama filaan ah ugu soo gudbay wareega 16ka Koobka Adduunka ka dib markii ay 2-1 ku dubteen xulka Portugal oo xilli hore sii xaqiijistay u soo bixitaankooda wareega xiga ee Koobka Adduunka.
Uruguay ayaa ilaa iyo daqiiqadii 90aad ee ciyaarta aaminsaneyd inay u soo gudbayaan wareega xiga ee Koobka Adduunka madaama ay labo gool iyo waxba kaga badinayeen Ghana islamarkaana Portugal iyo South Korea ay ciyaartooda barbaro 1-1 aheyd.
Laakiin South Korea ayaa si lama filaan ah ku dhalisay goolka guusha daqiiqadii 91aad ee ciyaartii ay ka badiyeen Portugal taasoo guusha Uruguay ee Ghana waxba kama jiraan ka dhigtay islamarkaana South Korea u soo saartay wareega 16ka.
Laakiin waxaa la isweydiinayaa sababta ay South Korea ku soo baxday islamarkaana Uruguay ay ku hartay madaama ay labada xul wada lahaayeen afar dhibcood islamarkaana farqigooda goolasha uu isku mid yahay oo uu eber yahay.
Madaama ay dhibcaha iyo farqiga goolasha isaga mid noqdeen waxaa lagu kala saaray goolasha ay xul walba ka dhaliyeen wareega guruubyada.
South Korea ayaa ka goolal badan Uruguay, xulka qaraada Aasiya waxay dhaliyeen afar gool halka Uruguay ay dhalisay kaliya labo gool.
Sidaasi darteed South Korea ayaa ku soo baxday kaliya inay goolal ka badan tan Uruguay ka dhaliyeen Koobka Adduunka inkastoo farqigooda goolasha uu isku mid yahay.
Portugal ayaa kaalinta koowaad ku soo baxday iyagoo leh 6 dhibcood, halka South Korea ay ku soo baxday kaalinta labaad iyagoo 4 dhibcood leh islamarkaana dhaliyay afar gool wareegii group-yada.