Morocco ayaa noqotay wadkii qaaradda Yurub kaddib markii ay 1-0 ku garaacday Portugal ee ay ka reebtay Koobka Adduunka, waxaana guushani ay keentay in la diiwaangeliyo taariikho cajiib ah oo aan waligeed dunida soo marin.
Xulka woqooyiga Afrika ayaa waxay usoo gudbeen semi-finalka Koobka Adduunka oo ay ku sugayaan England iyo France midkooda soo gudba, iyaga oo wareeggii siddeedda ku garaacay Portugal, waxaana kasii horreysay Spain oo ay wareeggii 16ka kaga adkaadeen. Sidoo kale, waxay isku group ahaayeen Belgium oo ay ku garaaceen wareegga koowaad, halka ay Croatia la galeen barbarro.
Illaa hadda Morocco lagama badin Koobka Adduunka, waana xulka kaliya ee usoo gudbay semi-finalka iyaga oo aan dhinacooda dhulka la dhigin. Kaliya England ayaa haddii ay ka badiso France la mid noqon doonta.
Siddeed rikoodh oo cajiib ah ayaa laga diiwaangeliyey ciyaartan, waana kuwo sare u qaadaya sharafta iyo karaamada Afrika, halka dalalka waaweyn ee Yurubna loo diiwaangeliyey rikoodho fadeexad ah.
Halkan kaga bogo siddeedda rikoodh ee laga diiwaangeliyey ciyaarta
- Morocco ayaa noqotay waddankii ugu horreeyey ee Afrikaan ah ee u gudba semi-finalka Koobka Adduunka. Saddexdii waddan ee hore ee Afrikaanka ahaa ee soo gaadhay wareegga siddeeddu waa waa la reebay. Cameroon (1990), Senegal (2002) iyo Ghana (2010) ayaa ahaa saddexda dal ee kale ee Afrikaan ah ee wareegga siddeedda usoo gudbay balse soo dhaafi waayey. Morocco ayaa markii koowaad ee ay siddeedda timid usii gudubtay semi-finalka.
- Portugal ayaa markii ugu horreysay taariikhdeeda lagu reebay wareegga siddeedda Koobka Adduunka. Laba jeer oo hore oo ay siddeedda soo gaadhay waxay u gudubtay semi-finalka, waxaanay ahaayeen 1966kii oo ay Korea kaga badiyeen 5-3 iyo 2006 oo ay rikoodheyaal 3-1 ah ku garaaceen England.
- Cristiano Ronaldo waligii gool kama dhalin wareegga siddeedda Koobka Adduunka oo uu siddeed jeer ciyaaray. Sidoo kale, wareegga semi-finalka ayaanu ka dhalin, isaga oo 27 jeer goolka toogtay 570 daqiiqadood oo uu ciyaaray.
- Morocco afar ciyaarood oo Koobka Adduunka ee ka socda Qatar ah ayaan goolal laga dhalin, waxaanay hal kulan dhaafeen rikoodhkoodii 16kii jeer ee ka horreeyey ee Koobka Adduunka ay ciyaareen intii u dhaxaysay 1970kii illaa 2018 oo saddex jeer oo kaliya ay shabaqooda ilaashadeen. Isugeyn, toddoba ciyaarood oo Koobka Adduunka ah ayaan goolal laga dhalin, waxaanay isku mid yihiin Nigeria. Ma jiro dal saddexaad oo Afrikaan ah oo shabaqiisa ilaashaday wax ka badan toddoba ciyaarood.
- Yassine Bounou oo ay maanta u ahayd ciyaartiisii 50aad ee xulka Morocco uu u saftay ayaa noqday goolhayihii koowaad ee Afrikaan ah ee saddex ciyaarood oo Koobka Adduunka ah shabaqiisa nadiif ka dhiga hal koob adduun gudihii.
- Portugal waxay samaysay qaladaadkii ugu badnaa ee sababa goolal laga dhaliyo Koobka Adduunka ee Qatar 2022, waxaanay sababteeda lahaayeen saddex gool oo laga dhaliyey.
- Youssef En-Nesyri ayaa noqday ciyaartoyga reer Morocco ee goolasha ugu badan ka dhaliyey Koobka Adduunka, waxaanu saxeexay saddex gool. Arrinta cajiibka ah ayaa waxay tahay in uu En-Nesyri dhaliyey saddex gool isaga oo saddex jeer oo kaliya goolka toogtay. Waa taariikh cusub.
- Shaxdii xulka Portugal kusoo galay garoonka, waxay celcelis ahaan da’doodu ahayd 26 sannadood iyo 332 maalmood. Waa shaxdii ugu da’da yarayd ee abid Portugal u ciyaarta kulan Koobka Adduunka ah.