Xog cusub ayaa shaaca ka qaaday sababta uu daafaca dhexe ee kooxda Arsenal ee Ben White uu uga soo dhaqaajiyay xulka England ee ka qayb galaya koobka aduunka Qatar ka socda.
White ayaa iskaga tagay xerada xulka England ee koobka aduunka waxaana warbixin rasmi ah oo bogga xulkaas lagu shaaciyay lagu soo koobay bixitaankiisa kaliya sababo shaqsi ah.
Haatan wargeyska The Daily Star ayaa sheegaya in sababta Ben White uga tagay xulka saddexda libaax ay tahay sababtoo ah inay isku dhaceen tababare ku xigeenka xulka ee Tom Holland.
Warbixinta ayaa sheegaysa in White uusan ku faraxsanayn joogitaanka xerada tababarka ee Al Wakrah oo ay taasi sidoo kale saamaysay is-fahanka asxaabtiisa xulka.
Holland iyo White ayaa hadalo is-dhaafsaday kaddib markii daafacaasi shirkii xulka ee ka horreeyay kulankii Maraykanka yimid isagoo aan ogayn waxyaabo kamida xogihiisa shaqsiga ah isla markaana aan ogayn wax ku saabsan xulka kasoo horjeeday.
Heshiis wadajir ah ayaa la gaadhay oo loogu ogolaanayo Ben White inuu iskaga laabto London isagoo aan marka horeba muhiim ka ahayn xulashada Gareth Southgate.