Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Koobka Adduunka

Shan Waxyaabood Oo Xulka England Ka Caawiyay Xaasuuqii Ay U Geysteen Iiraan

by Saed Mohamed
November 21, 2022
0
Shan Waxyaabood Oo Xulka England Ka Caawiyay Xaasuuqii Ay U Geysteen Iiraan

England ayaa guul weyn ku bilaabatay wareega group-yada Koobka Adduunka iyagoo 6-2 ku xasuuqay xulka Iiraan.

ADVERTISEMENT

Hadaba waxaan eegeynaa shan waxyaabood uu saxay tababare Gareth Southgate oo ku hogaamiyay guushii ay ka gaareen Iiraan.

Inuu dhisay Bellingham

Goolkii furitaanka ee Jude Bellingham waxay aheyd natiijada aaminaad soo dhismeysay in muddo ah oo tababaraha England Gareth Southgate u muujiyay da’ yarkaan.

Xiddiga khadka dhexe ee Dortmund kaliya waa 19 sanno jir laakiin wuxuu durbaba 18 kulan u saftay England isagoo u muuqday laacib weyn oo heer caalami ah kulankii galabta.

ADVERTISEMENT

Kubadii madaxa uu hogaanka ugu dhiibay England ka hor waqtigii nasashada waxa ay dejisay walalkii England ka hor inta aysan goolal ku xaaqin Iiran. Wuxuu sidoo kale qeyb ku lahaa goolkii 3aad ee England.

Sidoo Kale Akhri

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

January 28, 2023
“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023

Inuu Saka Ka Doortay Foden

Ka hor ciyaarta taageerayaasha England ayaa ka qeylinayay in xiddiga Man City Phil Foden kursiga keydka la dhigay, laakiin ugu danbeyn waxaa cadaatay in Southgate uu ku saxnaa inuu Saka ku soo bilaabo oo uu Foden keyd dhigo.

Xiddiga Arsenal ayaa muujiyay sababta uu u yahay laacibka Ingariiska isagoo dhaliyay labo gool oo midi ay aheyd gool aad u qurux badan.

Saka wuxuu u muuqdaa mid kursiga keydka ku sii heyn doono Phil Foden.

Inuu aaminay Sterling

Raheem Sterling qaab ciyaareed fiican uma soo bandhigeynin Chelsea xilli ciyaareedkan, laakiin maanta wuxuu cagta la dulmaray daafacyada Iiraan.

ADVERTISEMENT

Marka la eego ciyaartoyda uu heysto Southgate ma jiri laheyn dad ka carooda in Sterling keyd la geliyo, laakiin wuxuu tababaraha kalsooni u muujiyay Sterling kaasoo isna ku abaalmariyay gool iyo qaab ciyaareed cajiib ah.

Afar daafac danbe

Southgate waxaa looga bartay inuu shan daafac danbe ku dheelo labadii tartan ee ugu danbeysay laakiin kulankii maanta wuxuu ku soo shirtagay 4-3-3, wuuna ku faa’iday.

Waxaana laga yaabaa inay sabab u aheyd xulka ay la ciyaarayaan madaama aysan dhicin in cadaadis badan la saaro daafacyada England laakiin waxay aheyd go’aan caqli ku dhisan oo natiijo weyn u keentay.

Super bedel Rashford

Marcus Rashford wuxuu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay ee Koobka Adduunka isagoo garoonka ku jiray kaliya 49 ilbiriqsi, seddex taabasho ka dib wuxuu soo taabtay shabaqa.

Waqtigii uu goolka dhalinayay waxay aheyd muhiim madaama markaas ay Iiraan gool soo ceshatay. Southgate wuxuu durbaba helay xiddig uu ku tashan karo inuu bedel ku keeno haddii ay xaaladu xumaato.

Share340Tweet213
ADVERTISEMENT

Related Posts

Da’yarka Liverpool Koobka Aduunka Daawanayso, Xiddiga Chelsea Ee Koobka Aduunka Isku Iibinaya & Wararkii Suuqa

Qorshaha Arsenal Ee Caicedo & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa Kala Iibsiga Maanta Oo Sabti Ah

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

AC Milan ayaa iskaga baxday tartanka saxeexa Nico Zaniolo oo Roma ka tirsan. (Corriere dello Sport) Newcastle ayaa Everton 45...

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.