Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
No Result
View All Result
Laacib
ADVERTISEMENT
Home Suuqa Kala Iibsiga

SHAN Saxeex & January: Manchester United Oo Cadhadii Liverpool Lasoo Gelaysa Suuqa Iibka Kaddib Markii Lagu Garaacay Cody Gakpo

by Abdiwahab Ahmed
December 27, 2022
0
SHAN Saxeex & January: Manchester United Oo Cadhadii Liverpool Lasoo Gelaysa Suuqa Iibka Kaddib Markii Lagu Garaacay Cody Gakpo

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa hawlgal weyn bilowday saacado kaddib markii ay Liverpool ku garaacday saxeexay Cody Gakpo oo xalay laga afduubay, isla markaana heshiis waqti dheer ah u saxeexay Liverpool.

ADVERTISEMENT

Man United oo si weyn loola xidhiidhinayay Cody Gakpo ayaa si lama filaan ah waxa uga hor-qaadday Liverpool oo xalay dhamaystirtay heshiiskiisa, iyada oo kasoo bixisay £37 milyan oo Gini oo kaash ah iyo lacago kale oo ku xidhnaan doona bandhiggiisa Anfield, taas oo wadarta lacagta ka dhigi doonta £50 milyan oo Gini.

Tababare Erik ten Hag ayaa la sheegay inuu ka cadhooday in weeraryahanka reer Netherlands oo uu aad  u doonayay uu tago Liverpool, iyada oo waliba uu saacado ka hor xilliga uu laacibkani u saxeexay  Liverpool uu Ten Hag saxaafadda u sheegay inuu u baahan yahay weeraryahan.

Sida uu qoray wargeyska The Sun, Manchester United ayaa iyada oo ka cadhaysan in Gakpo laga hor-qaaday waxay suuqa usoo gelaysaa si xooggan iyada oo ay miiskeeda saaran yihiin magacyada shan ciyaartoy oo uu ku jiro mid hore ugu soo fashilmay Old Trafford.

ADVERTISEMENT

Ciyaartoyga koowaad ee Manchester United u calaamadsan ayaa ah 21 jirka reer Portugal ee Goncalo Ramos oo saddexlay ka dhaliyey kulankii Switzerland ee Koobka Adduunka, waxaana ku xiga oo isagana ay durba wada-hadal la bilaabeen wakiilkiisa weeraryahanka Joao Felix ee Atletico Madrid ku dhibaatoonaya laakiin wacdaraha ka dhigaya Koobkii Adduunka ee xulkiisa Portugal uu ku hadhay wareeggii siddeedda.

Sidoo Kale Akhri

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

January 28, 2023
Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

January 28, 2023

Waxa kale oo liiska ciyaartoyda ay Man United doonayso ku jira Yousoufa Moukoko oo ah 18 jir u dhashay Jarmalka oo u ciyaara Borussia Dortmund iyo gool-dhaliyaha Juventus ay bishii January ee sannadkii hore soo iibsatay ee Dusan Vlahovic oo 22 jir ah.

Ciyaartoyga shanaad ee ay Red Devils ku darsatay qorshaheeda ayaa ah Memphis Depay oo hore ugu fashilmay Old Trafford, kana tegay sannadkii 2017, kaas oo tababare Erik ten Hag uu rumysan yahay inuu usoo celin karo qaab-ciyaareedkiisii.

Shantan ciyaartoy ayay Manchester United kala-dooranaysaa oo ay midkood la saxeexan doontaa, si uu u noqdo weeraryahankooda dhexe ee buuxinaya booskii uu banneeyey Cristiano Ronaldo.

ADVERTISEMENT
Share402Tweet252
ADVERTISEMENT

Related Posts

“Waxa Uu Booskiisa Ka Samaynayo Isagoo Da’dan Jira Hore Umaynaan Arag, Lampard, Gerrard Iyo Scholes Waxan May Samaynayn….!!”

Rio Ferdinand Oo Doortay Laacibka Arsenal Ee Mustaqbalka Barcelona Ku Biiri Kara

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Halyeeyga kooxda Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa saadaaliyay mustaqbalka kabtanka Arsenal ee Martin Odegaard iyo sida uu horyaalka La...

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

Chelsea, Liverpool, Man United, Arsenal Ama Man City? Waatan Kooxda Uu Sugayo Dahabka Juventus Ee Fede Chiesa

by Apdihakem Omer Adam
January 28, 2023
0

Dhawaan ayay ahayd markii kooxda Juventus oo booska labaad kaga jirtay kala sarreynta horyaalka Serie A ciqaab marin lagu sameeyay...

Leave a Reply Cancel reply

Your email address will not be published. Required fields are marked *

I agree to the Terms & Conditions and Privacy Policy.

Your browser does not support the audio element.

Your browser does not support the audio element.

  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga
© 2022 Laacib - Wararka Ciyaaraha Caalamka

No Result
View All Result
  • Wararka Maanta
  • Koobka Adduunka
  • Suuqa Kala Iibsiga
  • Wararka Premier League
  • Wararka La Liga

This website uses cookies. By continuing to use this website you are giving consent to cookies being used. Visit our Privacy and Cookie Policy.