Shan Ciyaartoy Oo Ay Ku Jiraan Xiddigaha Liverpool iyo Chelsea Oo Laga Saaray Xulka Qaranka England

Tababaraha xulka qaranka England ayaa qaatay go’aamo waaweyn ka hor kulanka caawa uu dalkaasi la ciyaarayao Talyaaniga ee UEFA Nations League, waxaanu liiska xulkiisa ka saaray shan ciyaartoy oo uu ku jiro Ivan Toney oo Brentford goolal badan u dhaliyey, isla markaana ay u ahayd markiisii koowaad ee loogu yeedho xulka qaranka.

Torney oo xilli icyaareedkan si fiican kula bilowday Brentford ayuu tababare Gareth Southgate ku daray liiska afar ciyaartoy oo kale oo uu iyagana go’aamiyey in aanay qayb ka noqonin kulanka garoonka San Siro ee caawa ee Talyaaniga ay martida ugu yihiin magaalada Milan.

Kabtanka Liverpool ee Jordan Henderson oo waqti dambe loogu yeedhay xulka kaddib markii uu dhaawacmay Kalvin Phillips ayaa isagana loo sheegay in uu u baahan yahay in uu wali kusii jiro kasoo kabashada dhaawaca muruqa ah, waana go’aan laga yaabo in uu soo dhoweeyo tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp.

Advertisements

Waxa kale oo iyagana liisak xulka laga saaray Marc Guehi iyo Ben Chilwell, halka uu John Stones ganaax ku seegayo ciyaartan kaddib kaadhkii casaa ee uu qaatay ciyaartii Hungry ee bishii June.

Gareth Southgate oo markii hore soo qaatay 28 ciyaartoy ayaa lagu qasbay in uu hoos usoo dhigo liiskiisa oo uu kusoo koobo 23 ciyaartoy, waxaana uu go’aamiyey in uu ka saaro xiddigahan sare ku xusan, hase yeeshee waxay fursad u haystaan in ay kusoo laabtaan kulanka xulka Qaranka Germany ee Isniinta.

England ayaa labadan ciyaarood ee ka tirsan UEFA Nations League ka dhiganaysa isku-diyaarinta Koobka Adduunka ee bisha November ka furmi doona waddanka Qatar oo ay ciyaartooda koowaad foodda isku dari doonaan Iran marka ay taariikhdu tahay November 21, waxaana ugu xigi doona Mraykanka iyo Wales oo ay ku wada jiraan Group B.

Advertisements

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*

Haddii Aad Ka Heshay Warbixintaan Fadlan La Wadaag Asxaabtaada